Home » Maxaa Cusub » Paul Breitner Oo Soo Jeediyay In Mesut Ozil Laga Saaro Xulka Jarmalka Ee Wajahaya Brazil

Paul Breitner Oo Soo Jeediyay In Mesut Ozil Laga Saaro Xulka Jarmalka Ee Wajahaya Brazil


OZIl

Mesut Ozil iyo xulkiisa Jarmalka haatan waxay taagan yihiin semi-finalaha koobka aduunka kaliya labo kulan oo ay guuleestaan ayaa ka xigto hanashada koobka ugu qiimaha badan caalamka sidaa darteed halyeegii hore ee xulka Jarmalka iyo kooxda Bayern Munich Paul Breitner ayaa ku cadaadinaayo macalin Joachim Low in kulanka ay Jarmalka la cayaari doonaan xulka Brazil inuu Mesut Ozil kursiga keydka galiyo wuxuuna Breitner yiri

“Hadii macalin Low uu yahay nin geesi ah waa inuu Ozil kursiga keydka galiyaa kulanka Brazil waayo Mesut ilaa haatan waxba ma qabanin sidoo kalena kulan walbo wuxuu dhamaadaa asigoon wax saameyn ah xulka ku lahayn”

Paul Breitner oo xulka Jarmalka kula guuleestay koobka aduunka sanadii 1974 ayaa si toos ah u weeraray kubad sameeyaha kooxda Arsenal wuxuuna yiri

“10-cayaaryahan inay Jarmalka ku cayaaraan ayaa dhaanto halka Ozil uu 11-ku noqon lahaa waayo waxba ma qabto sidaa darteed hadii ay Jarmalka doonayaan inay koobka aduunka ku guuleestaan ha iska fariisiyaan Ozil!”

Paul Breitner ayaa sidoo kale dhaliilsan macalin Joachim Low madaama uu ka xishoonayo Ozil wuxuuna yiri

“marwalbo waxaa wanaagsan in waxqabadka cayaartooyda lagu kala xusho ee ma ahan in la is xuhsmeeyo sidaa darteed Low wuxuu ku qaldan yahay inuu Ozil kulan walbo cayaarsiiyo halka ay joogaan xidigo kaga haboon booska uu haatan xulka Jarmalka xidigan kaga cayaaro”

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close