Home » Maxaa Cusub » Patrick Kluivert: “Muhiimada Koowaad Ee Van Gaal Waa Inuu  Horyaalka England Gacanta Ku Dhigo”+ Sawiro

Patrick Kluivert: “Muhiimada Koowaad Ee Van Gaal Waa Inuu  Horyaalka England Gacanta Ku Dhigo”+ Sawiro


article-2695721-1F9942CD00000578-233_634x379

Tababare Louis Van gaal ayaa bartilmaameedkiisa koowaad ah in sanada ugu horeyso uu Man utd kula guuleysto Premier League, sida uu sheegay caawiyihii hore Van Gaal Patrick Kluivert.

 kooxda Old Trafford ka dhisan ayaa xilli ciyaareed xun 2013-14 soo qaadatay xiligaasoo Moyes joogay waxayna ku dhameesteen kaalinta 7aad kala horeynta horyaalka Premier League.

 Manchster  United ayaa horey ula soo saxiixatay xidigaha kala ah Ander Herrera iyo Luke Shaw, waxaana hada lala xiriirinayaa laacibka khadka dhexe Juventus Arturo Vidal, Balse Kluivert ayaa aaminsan in Van gaal isbedel ku sameen doono Red Devils.

“Gabi ahaanba waxa uu doonayaa in uu Premier League ku guuleysto,” ayuu u sheegay  talkSPORT. “Koox sida Man Utd ah waa in ay bartilmaameedsadaan hanashada horyaalka,”.

“Waa tababare fiican, waan ogahay in aad macalin ka noqotaa Manchester United inaysan sahlaneen, balse wuu ka soo bixi doonaa shaqadiisa,”.

 Hadalkaan ayaa imaanayo Xilli Van Gaal Maanta si rasmi ah loogu dhiibay Macanimada kooxda Manchester United wuxuu shirkiisii Jaraa’iad ee ugu horeeyey ku sheegay sidaan:

“Waa kooxda ugu weyn dunida marka lafiiriyo sida looga caalam daafah caalamka, balse marka ciyaaraha lajoogo manoqoneysid kooxda ugu weyn dunida, sanadii lasoo dhaafay waxaan kudhameesanay kaalinta 7aad, marka ma aheyn kooxda ugu weyn dunida.

“Waxaan joogay China, dhawaan waxaan tagay Brazil, qof walbo waxey kahadleysaa Manchester United, waa midaas farqigu, waxaa jiro waxyaabo badan oo laga sugayo, taasna waxey sabab unoqoneysaa taxadi weyn Inaad gasho.

No 1 man: Louis van Gaal is proudly unveiled as Manchester United manager with Sir Bobby Charlton

Man in charge: Van Gaal insisted United were the biggest club in the world

Legends past... and future: Van Gaal exchanges a handshake with Old Trafford icon Charlton

 

Close