Home » Maxaa Cusub » Patrice Evra: Ma Donayo Heshiis Cusub Waayo Moyes Wuxuu Dalbaday Baines

Patrice Evra: Ma Donayo Heshiis Cusub Waayo Moyes Wuxuu Dalbaday Baines


318577_heroa

Daafaca Bidix ee xulka Qaranka Faransiiska iyo Kooxda Manchester United Patrice Evra ayaa shaaca ka qaaday inuusan xagaaga dambe kusii waari doono Old Trafford marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Evra ayaa United kusoo biiray 2006-dii markaas oo United ay kasoo qaadatay As Monaco oo horyaalka Faransiiska ka tirsan wuxuuna doonayaa Inuu dib ugu laabto Faransiiska.

Macalinka Cusub ee David Moyes ayaa dalab xoog leh u diray daaficiisii hore kooxda Everton Laighton Baines kaas oo haatan United inuu kusoo biiro ay suuragal tahay xagaaga soo aadan.

Patrice Evra ayaa qandaraaska uu kula jiro United uu ku egyahay xili ciyaareedkaan dhamaadkiisa wuxuna qandaraaskiisa dhacayaa June 2014.

“Wey jirtaa in la iisoo bandhigay heshiis cusub, balse ma doonayo inaan sii joog Old Trafford” ayuu yiri Evra.

Patrice Evra ayaa sidoo kale laga sugayaa inuu sharaxaad ka bixiyo weerarkii uu ku qaaday daaficii hore xulka France Lizarazu.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close