Paris Saint Germain ayaa garwaaqsatay in ay ku fashilantay doon doonista Eden Hazard kaas oo ay kooxdiisa Blues ku adkeysatay inuu sii joogo xidiga reer Belgium galbeedka magaalada London.
23-jirkaan ayaa Chelsea kusoo biiray 2012, isagoo kaga soo biiray kooxda faransiiska ka dhisan ee Lille, balse hormarka uu sameeyay ayaa qasbay in PSG ay damacdo dib u celinta xidigaan ee horyaalka Faransiiska.
Si Kastaba tababaraha 48-jirka ah ee leyliya kooxda Paris Saint Germain Laurent Blanc ayaa qiray in Chelsea ay damacsan tahay iney ilaashato Hazard sidaas darteed ay adag tahay inuu kusoo biiro kooxda heysata horyaalka faransiiska.
Tababare Laurent Blanc ayey saxaafada wax ka wedysiisay qorshaha PSG ee xili ciyaareedka nagu soo foolka leh, balse wuxuu si cad ugu sheegay in sheekada Hazard ay ku dhaw dahay iney isaga haraan madama kooxdiisa ay doonesyso iney sii heysato.
“Xidigo qaar ayaa bixi doona, wana arki doonaa, waqti xaadirkaan kuma haboona ka hadalkooda, waxaan lasoo saxiixan doonaa hal ama labo ciyaariyahan, oo leh tayo wanaagsan”
“Hazard wa xidiga noogu sareeya, balse Chelsea ma dooneyso iney iibiso, xidigo fara badan ayaa qorsheynaya iney ka tagan kooxahooda, sidoo kale David Luiz ayaan goor hore lasoo wareegnay taasoo ah wax weyn”
Paris Saint Germain ayaa dooneysa iney sameyso isbadal xili ciyaareedka soo aadan madama ay dooneyso iney hormar ka sameyso koobka horyaalada yurub ee Champions League.