Home » Europe » Europe League » PSG Oo Ka Walwalsan Xaalada Edinson Cavani Xilli Mudada Uu Garoomada Ka Maqnanayo La Shaaciyay

PSG Oo Ka Walwalsan Xaalada Edinson Cavani Xilli Mudada Uu Garoomada Ka Maqnanayo La Shaaciyay


Edinson-Cavani-PSG

Naadiga PSG waxaa lasoo daristay aqbaar aan wanaagsaneyn kadib markii dhaqaatiirta kooxdan shaaca ka qaadeen in gool dhaliye Edinson Cavani uu garoomada ka maqnaan doono mudo sedex todobaad ah kadib markii dhaawac uu kasoo gaaray dhanka muruqa kulankii todobaadkan ay Paris cayaartay Ligue 1 France.

Markii hore waxaa la aaminsanaa in dhaawaca xidigan gaaray uusan halis ahayn balse haatan waxaa la sheegay in ugu yaraan 21-cisho oo nasiino ah inuu u baahan yahay madaama muruqa hoose dhaawac ka gaaray uu yahay mid halis ah sidaa darteed weeraryahankan tayada wanaagsan ayaa la xaqiijiyay inuu seegi doono kulanka wareega 16-aad ee koobka horyaalada Yurub oo ay kooxdiisa la cayaari doonto naadiga Bayer Leverkusen.

Sidoo kale Cavani ayaa seegi doono kulanka adag oo ay todobaadka dambe kooxdiisa Paris la cayaari doonto naadiga Monaco, weeraryahankan u dhashay dalka Uruguay ayaa si wanaagsna kooxdiisa PSG ula qabsaday xili cayaareedkan madaama uu u dhaliyay 20-gool asigoo u saftay 30-kulan dhamaan tartamada kala duwan sidoo kalena waxay si wanaagsan isku fahmeen Zlatan Ibrahimovic balse macalin Laurent Blanc ayaa weyn doono weeraryahankan tayada wanaagsan xili kooxdiisa ay kusoo fool leeyihiin kulamo xasaasi ah wuxuuna macalinkan ka dhawaajiyay in Paris ay dhibaato lasoo darsi karno mudada uu Cavani garoomada ka maqnaan doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close