Home » Maxaa Cusub » Ozil Oo Soo Bandhigay Awooda Arsenal Iyo Hubka U Qarsoon Xili Cayaareedkan!

Ozil Oo Soo Bandhigay Awooda Arsenal Iyo Hubka U Qarsoon Xili Cayaareedkan!


Gunners

Kubad sameeye Mesut Ozil tan iyo markii uu yimid Premiership-ka England wuxuu noqday shaqsi waqtigiisa badan ku qaato adeegsiga Facebook ama Twitter, hadaba laacibkan ayaa soo galiyay barta Facebook muqaal cajiib ah oo soo jiitay dhamaan taageerayaasha Arsenal waayo kooxdan hogaanka haatan Premiership-ka 5-dhibcood ayay ku heysaa sidoo kalena naadiga Liverpool  ayay guul muhiim ah ka heshay, sidaa darteed Mesut Ozil ayaa soo bandhigay muuqaalka sare ka muuqdo kaasi oo ah dhamaan xidigaha Arsenal ugu muhiimsan oo qalabkooda hubka u dhameestiran yahay sidoo kalena Mission fulin rabaan wuxuuna xidigan sheegay in Arsenal Mission-keeda uu yahay inay Premiership-ka gacanta ku dhigto.

Sidoo kale Ozil ayaa ku kaftamay in isaga iyo xidigaha Gunners-ka ay sameen doonaan Film-ka Expandables 3 oo ah filmkii hirgalay kaasi oo ay jilayeen ragga Hollywood-ka ugu caansan waxayna Ozil iyo dhamaan xidigaha kale ee Arsenal sida Cazorla, Podolski, Wilshare, Walcott, Arteta iyo kuwo kale ay wataan hub casri ah iyo labis ciidan sidaa darteed Arsenal ku guuleysiga Premiership-ka diyaar garow dhameestiran ayay ugu jirtaa xili cayaareedkan!


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close