Home » Maxaa Cusub » Ozil: “ Taageerayasha Arsenal Waxay Ii sheegeen Inaan Emirates keeno koobab Badan Anigana Way Iga Go’an tahay”

Ozil: “ Taageerayasha Arsenal Waxay Ii sheegeen Inaan Emirates keeno koobab Badan Anigana Way Iga Go’an tahay”


313320_heroa

Sida laga warqabo Ozil ayaa saacadihii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga cayaartoyda wuxuu ku biiray kooxda Arsenal iyadoo laga soo bixiyey adduuna lacageed oo gaaraya ilaa €47 million waana Iskoor cusub oo ay dhigtay Kooxda Arsenal.

 24 Jirkaan ayaa go’aansaday inuu isaga soo tago kooxda Real Madrid kadib markii kooxda Reer Spain ee Real  ay qiimihii ugu sareeyey ee ebed lagu gato Laacib ay kula soo wareegtay Laacibkii Kooxda Tottenham ee reer Egnaland Gareth Bale  (€100m).

Kooxda Arsenal oo aan muddo 8-sano ah arag wax koob ah ayaa ninka reer Germany ku kalsoonyahay inuu kooxda u hoggaamin doono inay kasoo kabsato Baahida ay u qabto Koob.

“ Waxaan Doortay Arsenal Maxaa yeelay waxay kamid tahay kooxaha ugu waa weyn ee ka jira dalka England, Macalin Wenger-na waa Macalinka ugu fiican dunida

“ Laaciibiin badan ayaa kusoo ag koray Wenger taasna waa sababta aan u doortay inaan kamid noqdo Laacibiinta Arsenal waxaana rajeenayaa inaan horumarin ku sameeyo qaab ciyaareedkeyga” Ayuu Ozil hadalkiisa sii raaciyey.

“ Waxa ugu muhiimsan ee Macalin Wenger uu I siiyey waa kalsooni, waxaana doonayaa inaan kooxda ka caawiyo wax badan sida inaan Emirates keeno koobab badan”.

 “ Intii aan joogay Real mar kasta waxaan taleefoonka kula hadli jiray Wenger isagoo ii sheegayey Inaan kusoo biiro Kooxda Arsenal taasina waa mid kamid ah sababaha aan Madrid uga soo tagay”.

 “ Kooxda Arsenal waxaa lagu yaqaanaa kubad wanaagsan waa koox u dhisan qaab Weerar ah”.

“ Sanadihii lasoo dhaafay kooxda Arsenal wax koob ah maysan arag laakiin hadda waxaa bilaaban doono waayihii Arsenal waxaana filayaa in Taageerayaasha ay iga sugayaa Arrintaas”.

Kasoo tagitaanka Ozil uu kasoo tagay kooxda Real waxaa soo dhaweeyey Alvaro Arbeloa iyo Sami Khedira halka Ramos uu sheegay inuusan weligiis fasixi laheyn Ozil haddii go’aanka Gacantiisa ku jiri lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close