SAO PAULO – BRAZIL: Kubad sameeyaha xulka Brazil iyo Kooxda Chelsea Oscar ayaa ka baxay tababarka xulka Brazil ay isugu diyaarinayaan koobka Aduunka.
Oscar ayaa rajeynaya canugiisii ugu horeeyay iyadoo tababare Luiz Felipe Scolari uu xidigiisa u ogolaaday inuu ka baxo xerada tababarka Rio de Janeiro isagoo aadi doona Sao Paulo.
Lamaanahaan ayaa rajeynaya Gabar lasii qorsheeyay magaceeda oo loogu magac daray JULIA.
Tababare Scolari ayaa shaaca ka qaaday in Oscar uu tababarka dib ugu soo laaban doono ka hor kulanka ay Jimcaha la ciyaarayaan xulka Serbia kulan saaxiibtinimo.
Si Kastaba Scolari ayaa ku faraxsan in xidigiisa uu waqti farxadeed galo ka hor koobka Aduunka waxaana la qorsheynayaa inuu ka qeyb qaato kulanka Jimcaha ee Serbia.