Home » Maxaa Cusub » Oscar iyo hantida uu leeyahay maxaa kala socotaa (+Sawiro)

Oscar iyo hantida uu leeyahay maxaa kala socotaa (+Sawiro)


Oscar of Chelsea

Waa markale iyo barnaamijkeenii taxanahaa oo aan uga hadalno hantida ay heestaan xidigaha aduunka ugu caansan waxaaana maanta si gaar ah uga hadli doonaa kubad sameeyaha xulka Brazil iyo naadiga Chelsea Oscar hantida uu leeyahay mushaarka uu qaato iyo macluumaadkale oo isaga ku saabsan waxaana naga soo codsaday inaan Oscar xogtiisa soo baarno aqristaheena qiimaha badan ee lagu magacaabo Isma’il Ahmed Ali. Hadaba hoos kaga bogo wax walbo oo aad xidigan uga baahan tahay:

 Oscar 2013 Salary

Magaciisa oo dhameestiran: Oscar dos Santos Emboaba Júnior

Hantida uu Oscar leeyahay:  £20m

 Mushaarkiisa todobaad walbo : £40,000

Da’diisa : 21-sano

Goobta uu ku dhashay : Americana, São Paulo, Brazil

Oscar Macluumaadkiisa oo kooban:

Oscar wuxuu ka mid yahay xidigaha ugu tayada wanaagsan kooxda Chelsea sidoo kalena Premiership-ka siweyn looga qadariyo inkastoo uu yahay xidig aad u dhalin yar hadana magacaiisa siweyn ayuu daafaha caalamka u gaaray, inkastoo uu sanado kooban qaarada Yurub ku sugan yahay hadana wiilkan dahabiga ah wuxuu ka mid yahay ragga ugu farsamada wanaagsan caalamka sidoo kalena hogaanka u haayo kooxda Chelsea, hadaba hoos kaga bogo goolasha iyo kulamada uu kooxdiisa iyo xulkiisa Brazil u saftay una dhaliyay:

Kulamada uu Chelsea u saftay: 158-kulan goolasha uu dhaliyay 35-gool.

Oscar holding Europa League trophy

koobabka muhiimka ah ee uu qaaday xidigan dhalinta yar

Campeonato Gaúcho: 2011 & 2012

 Recopa Sudamericana: 2011

UEFA Europa League: 2012

FIFA Confederations Cup 2013


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close