Home » Maxaa Cusub » Oraahyadii Ugu Fiicnaa Ee Laga Qabtay Taageerayaasha Man United Ee Bogga Tiwtter-ka Kadib Guushii Norwich

Oraahyadii Ugu Fiicnaa Ee Laga Qabtay Taageerayaasha Man United Ee Bogga Tiwtter-ka Kadib Guushii Norwich


Chosen

Manchester United ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareedkii ugu fiicanaa xili ciyaareedkaan waana guushii ugu weyneyd oo ay gaarto xili ciyaareedkaan iyadoo joogta Old Trafford ciyaarta ayaana aheyd mid waali ah oo aad mooday in ciyaartoyda ay ku taagerayeen Ryan Giggs.

Si Kastaba kadib guushii Manchester United, Jamaahiirta kooxda ayaa sida caadada ah soo galiyay bogga xiriirka Bulshada hadal heynta kulankaan iyo waxa uu kaga badalan yahay hogaankii Moyes.

@ Kieran Powdrill 

Fiicanaa inaad aragto xoogaa weerar ah, kana badan 3 iyo guul weyn, waana hordhaca xili ciyaareedka cusub inagoo rajeyneyna inaan u tartano horyaalka

@ Superflyballin 

Guul weyn, naadiga wuxuu u ciyaaray si xawaare leh, kana fiican sidii hore aan u arkay, badalka Ryan Giggs waa mid soo jiidasho leh

@ Red Devils Talk

Wali ma hubo in Giggs uu u qalmo shaqada, balse maanta waa hormar weyn oo aan gaarnay

@ Paul

Waa Kuma David?

@ Andy Dunn

Ifafaalo wanaagsan oo soo muuqaneysa, waana jawi saxan iyo rajo wanaagsan oo aan ka yeelan doono horyaalka soo aadan

@ Martin McGreal 

Shaqo adag, waxaan filayaa inuu muujiyay Ryan u qalmida shaqada tooska ah ee kooxda

@ Odinaka-Enendu 

Waa Cadeynta in Moyes uu ku qaldanaa shaqada Man United, balse micnuhu maahan in Wali Giggs uu yahay shaqsiga ku haboon shaqadaan

@ Josh Robinson 

Waa kala duwanaasho muuqda, kubadii shalay iyo mida maanta ee Manchester Unite

@ Jeff Duarte 

Shaqo fiican Ryan Giggs, “Maxaadan Qaban Karin”?

@ Jack Sleight

Hadii aad sidaan u shaqeyso sadexda kulan ee soo aadan waxaan u codeyn doonaa inaad na hogaamiso xiliga dambe

@ Erik

 Waa sheeko aad u xiiso badan balse, waxey muujineysaa bandhigii caawa in Moyes uusan u qalmin kooxda

Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Oraahyadii Ugu Fiicnaa Ee Laga Qabtay Taageerayaasha Man United Ee Bogga Tiwtter-ka Kadib Guushii Norwich

  1. mam Reply

    April 27, 2014 at 2:33 AM

    Waan so dhawena tan oo kale lkn se wali kuma deg dagi karno. Aababto ah. Moyes ayan ku fududanay. Waa in uu naso jita.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close