Horyaalka Talyaaniga dhawaan ayuu soo idlaaday balse xiiso gaar ah ayuu lahaa xili cayaareedkii dhamaaday waxana horyaalkan kusoo kordheen iskooro sanado badan waari doonan sidoo kalena xili cayaareedkii dhamaaday 2013/14 waa midkii ugu muranka badnaa sidaa darteed waxaan idiin soo xulnay oraahdii ugu xiisaha badneed ee kasoo yeertay macalimiinta iyo cayaartooyda horyaalkan ku sugan, dabcan oraahdaan waxay noqotay mid hirgashay oo ay saxaafada adeegsato, fadlan hoos kaga bogo:
Max Allegri macalinkii hore ee Milan wuxuu yiri markii xilka laga xayuubiyay
“waxaa jiraan shaqsiyaad dhalin yar oo doonayaan inay xilkeyga la wareegaan balse xasuusnaaw arday walbo oo caafimaadka barto ma noqdo mid qaliinka ku wanaagsan!!”
Wuxuu macalinkan si toos ah markaas ugu weeraray Clarence Seedorf oo xiligaas hogaanka Milan kala wareegay!
Clarence Seedorf isna muxuu Allegri ugu jawaabay
“Hadii uu xanuun daashaday AC Milan waxaan keeni doonaa San Serio Anti-virus-kii cudurkaas dabar goyn lahaa! aniga masuul kama ihi qaska iyo jahawareerka Milan ka taagan waxaana halkaan u imid inaan xaliyo qaladadkii horey loo galay!”
Rafa Benitez oo haatan macalin u ah kooxda Napoli ayaa isna mar u jawaabay Marco Materazzi wuxuuna yiri
“Materazzi waa beenloow sidoo kalena beenta ayuu caadeestay waayo halkuu ku maqlay ama ku ogaaday markii aan Inter heshiiska la galaayay kaliya wuxuu jecel yahay inuu Jose Mourinho iska gado!”
Marco Materazzi oo u jawaabay Benitez wuxuuna isna yiri
“hadii aan beenloow ahay dabcan Benitez isagna waa shaqsi caato ah! wuxuu ula jeedaa in muqaal ah Benitez aan laga been sheegi karin sida uu u yaalo sidoo kalena hadalkiisa uu run yahay dhan walbo ha saameeyo!”
Fernando Llorente isna wuxuu yiri intii uu xili cayaareedkan socday
“aadban ugu xiiso qabaa inaan arko macalin Antonio Conte waayihiisii uu cayaari jiray dabcan Youtube ayaan ka raadin doonaa si aan salaan ugu taago xirfadiisii cayaareed!”
Zvonimir Boban halyeegii hore ee kooxda Milan wuxuu isagana ka hadlay xaalada Mario Balotelli asigoo yiri:
“Super Mario ma jeclo inuu aqbalo hoos u dhaca heesto marwalbo markii ay Mian liidato isagana wuu liitaa balse ma ahan shaqsi aqbalaayo hoos u dhaciisa!”
Antonio Cassano ayaa isagana ka hadlay saaxiibkiis Super Mario iy rabishkiisa joogtada ah wuxuuna yiri:
“Aniga iyo Mario hal farqi ayaa inoo dhaxeeyo, asiga wuu jecel yahay in marwalbo wargesyada sheekooyinkiisa lagu soo qoro balse aniga midaas ma jecli, markii aan qalad galo saxaafada ayaa i beegsato mana jecli midaas, balse waa nasiib daro inuu qalad galo asigoo gaarigiisa wato uu jidka qalad ku galo aniga xitaa hadii aan garoonka gaari lasoo galo waan hubaa inaan qalad gali doonin iskaba dhaaf marka aan wadada ku socdo!”
Gigi Buffon oo isagana ka hadlaayo hamigiisa ku aadan hanashada Champions League wuxuu yiri
“hadii lix sano ama todobo sano soo aadan aan awoodo inaan cayaaraha kusii jiro waxaan waqtigeyga oo dhan galin lahaa sidii aan Champion-ka ku qaadi lahaa!”
Rafa Benitez oo dib u bilaabay weerarkii Jose Mourinho kala dhaxeeyay wuxuu yiri
“Mourinho wuxuu jecel yahay inuu mawalbo iska hadlo halka aan aniga jec lahay inaan dadka tuso waxqabadkeyga, markii aan Liverpool joogay kooxdiisii Chelsea waan ka awood badiyay waxaana ka reebay Champion-ka anigoo wato xidigo qiimo ahaan aad uga yar kuwii uu isag markaas watay!”
Diego Maradona oo isna ka hadlay sidii uu Mauro Icardi u qayaamay saaxiibkiis Maxi Lopez wuxuuna yiri
“Icardi waa qaa’in sidoo kalena tuug ah! waayo saaxiibkiis Maxi Lopez ayuu gurigiisa u daba mareeyay wuxuu iska dhigay saaxiib daacad ah laakiin xaaskii Maxi ayuu qalbiga ka xaday! waayihii aan kubada cayaari jiray hadii qof naga mid ah uu falkaas oo kale ku kaco waan garaaci jirnay sidoo kalena abaalkiisa ayaan marsiin jirnay!!”
Sinisa Mihajlovi oo ah tababaraha kooxda Sampadoria oo ka hadlaayo qaabka ay u dhisan yihiin garoomada horyaalka Talyaaniga oo inta badan leh xood ama qalooc ay taageerayasha qaar kubada ka daawadaan wuxuu macalinkan yiri
“garoon aan laheyn xood ku haboon inay taageerayaasha kooxdooda uga sacbiyaan wuxuu la mid yahay haween aan naaso laheyn!”
Akhriste Oraahdee u dooran laheyd mida ugu wanaagsan dhamaantood?