Halyeegii hore ee xulka Jarmalka iyo kooxda Bayern Munich Oliver Kahn ayaa aaminsan in kooxda Barcelona awoodii ay qaarada Yurub ku maquunin jirtay xili cayaareedkii hore lasoo afjaray haatana uu ka filan doonin sanadkan inay wacdaro markale dib u dhigto, goolhaye Kahn ayaa ku tilmaamay waxqabadka Barcelona mid laga soo gudbay haatana ay la mid tahay kooxaha kale ee reer Yurub wuxuuna yiri “waxaan aaminsanahay in waayihii dahabiga ee Barcelona laga soo gudbay haatana waxay ila tahay in aysan ka dhex muuqan karin kooxaha kale ee Yurub ugu awooda roon”
Sidoo kale Oliver Kahn ayaa aaminsan in kooxda Bayern Munich ay mar labaad qaadi karto koobka horyaalada Yurub madaama hogaanka kooxdan uu la wareegay macalin Pep Guardiola wuxuuna yiri “Bayern awoodeeda ma nus qaamin balse way sii korodhay waayo Pep Guardiola ayaa kusoo biiray waxaana aaminsahay in sanadkan ay difaacan karto koobka horyaalada Yurub inkastoo shaqadaas aysan sahlaneyn” ugu dambeyntii Oliver Kahn ayaa ka dhawaajiyay in xili cayaareedkan koobka horyaalada Yurub uu noqon doono midkii ugu adkaa madaama kooxaha reer Yurub awood ahaan heerkii ugu sareeyay ay taagan yihiin.