Home » Horyaalada » Bundesliga » Nuri Sahin: Waxaan Ku Dhawaaday Inaan Ku Biiro Arsenal Sadex Jeer

Nuri Sahin: Waxaan Ku Dhawaaday Inaan Ku Biiro Arsenal Sadex Jeer


sahin

Xidiga khadka dhexe ee kooxda Borrusia Dortmund Nuri Sahin kaas oo u dhashay Dalka Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inuu sadex jeer u dhawaaday ku biirista  kooxda Arsenal ee dalka Ingiriiska.

25-jirkaan heerka caalami ayaa caawa ka hor imaan doona Arsenal isagoo ula safri doona kooxdiisa dalka England gaar ahaan magaalada London.

“Waxaan ku dhawaaday sanadkii 2012, inaan sadex jeer ku biiro Arsenal, mana aysan dhicin waana xaalada caadiga ah ee kubada cagta” ayuu yiri Sahin oo shir jaraa’id qabtay.

“Markii ugu horeysay waxaan ahaa 16-jir, markii labaadna waxey aheyd mar dhaw, waan la hadlay Arsenal balse ugu dambeyntii Liverpool ayaan ku biiray”

“Waan ku faraxsanahay inaan kasoo mid noqday kooxda Liverpool oo ah koox weyn taasoo koobab badan kusoo guuleysatay, ciyaartoy waaweyn ayaana kasoo garab ciyaara”

Sidoo kale Sahin ayaa ka hadlay Group F iyo ka hor imaanshaha wiilka rikoorka ugu fadhiya Arsenal ee Mesus Ozil wuxuuna ka yiri.

“Mesut waa xidig weyn, waana sxb qaali igu ah, hadii aad dhahdo waa xidiga kaliya ee Arsenal dhaqajiya waa xushmad daro, balse waxaan dhihi karaa waa xubin muhiim ah oo naadiga ka tirsan”

“Inta kulanka uu socdo dhib kuma qabi doono inaan wajaho Mesut Ozil mana ka walwal qabo inuu qalqal i galin karo xidigaan”

Ugu dambeyntii Sahin ayaa kooxdiisa kala qeyb qaadanaya Champions League xiligaan inkastoo waqtiyo xun uu kusoo Liverpool iyo Real Madrid, Dortmund ayuuna dib ugu soo laabtay.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close