Waa maqaal ku saabsan nolosha xidigaha aduunka iyo maal mihii aan kasoo gudubnay wixii u qabsoomay inkastoo maalin walbo saxaafada aduunka hadal heyso laacibiinta la kala iibsan rabo ama diyaar garowga loogu jiro hadana waxaan idiin soo aruurinay dhaq dhaqaaqa ay sameeyeen laacibiinta aduunka iyo noloshooshooda gaarka ah wixii u qabsoomay waxaana maqaalkeena si gaar ah ugu hadli doonaa xidigaha kala ah Thibaut Courtois iyo Neymar.
Goolhaye Thibaut Courtois oo sheegay inuu Madrid baaqi kusii ahaan doono madaama uu nolol cusub abuuray: Goolhaye Thibaut Courtois ee dhawaan Atletico Madrid kula guuleestay La Ligaha sidoo kalena kama dambeesta Champion-ka kooxdiisa lasoo gaaray wiilkan dhalinta yar ayaa siweyn loo hadal heyaa inuu dib ugu soo laaban doono kooxdiisa Chelsea oo milkiyadiisa leh madaama uu haatan hormar wanaagsan sameeyay balse xidigan ayaan rabin inuu Madrid isaga hayaamo waayo dhawaan ayuu nolol cusub magaaladan uga bilaabatay madaama uu jaceelkiisa cusub daaha ka qaaday waxaana lagu magaacabaa Marta Domínguez waa gabar jamaacad ka dhigato magaalada Madrid haatana labadan lamaane xiriir aad u wanaagsan ayaa ka dhaxeeyo mana doonayo Courtois inuu jacelkiisa ka dheeraado!
Faraantiga Neymar Iyo Qiimaha uu ku fadhiyo oo shaaca laga qaaday: Weeraryahanka xulka Brazil Neymar ayaa sheegay inuu dhawaan la aqal gali doono gabadha jilaaga ah ee lagu magacaabo Bruna Marquezine, madaama gabadhan ay tahay qof miisan culus ku leh fanka Brazil wuxuu Neymar go’aansaday inuu usii iibiyo faraanti qiimahiisa lagu sheegay $ 5,635! tani waxay muujinee in Neymar uu jaceel dhab ah haayo diyaarna u yahay inuu la aqal galo gabadha uu beryahan ku waashay balse xidigan ma suusan sheegin xiliga rasmiga ah ee uu aqal gali doono inkastoo uu soo iibiyay labadii faraati ay xiran lahaayeen isaga iyo Bruna Marquezine.