Todobaadkan waxaan idiin heynaa sheeko xiiso badan oo ku saabsan nolosha gaarka ah ee xidigaha aduunka weliba aqbaartan aan idiin heyno waxay siweyn u qususeysaa qaar ka mid ah laacibiinta aduunka ugu magaca dheer sida Cristiano Ronaldo, Andrea Pirlo Steven Gerard iyo daafaca kooxda reer Real Madrid Nacho, hadaba yaana ka hor dhicin hoos kaga boso sheekooyin xiisaha badan ee ku saabsan laacibiintan miisaanka culus ku leh kubada cagta:
Ronaldo Iyo Irina oo u dabaal dageen sanadkii guuradii 4-aad tan iyo markii ay saaxiibo noqdeen:
Cristiano Ronaldo iyo Irina Shayk waxay isbarteen ama go’aansadeen inay nolosha wadaagaan sanadii 2010 sidaa darteed labadan lamaane ayaa todobaadkan dhigteen xaflad ay ku xusayeen sanadkii guuradii 4-aad ee kasoo wareegato xiligii jaceelkooda xasiloonida helay uu soo bilaawday, inkastoo labadan lamaane xiriirkooda ay waqti adag soo wajaheen hadana waxay ku guuleesteen inay caqabad walbo ka guuleestaan haatana waa labo lamaane oo dunida sameyn weyn ku leh, Ronaldo oo 29-jir ah ayaa ku faraxsan nolosha uu la qaadanaayo gabadha Modelis-ah ee u dhalatay dalka Russie Irina Shayk haatana da’deeda lagu sheegay 28-sano.
12-sano kadib Pirlo iyo xaaskiisa Roversi oo si rasmi ah u kala tageen: ruug cadaaa Andrea Pirlo iyo xaaskiisa Deborah Roversi ayaa go’aansadeen inay soo gaba gabeeyaan xiriirkooda 12-sano jirsaday labadan lamaane oo mudo dheer isla noolaayeen sidoo isku dhaleen labo caruur ah ayaa dhawaanahan nolosha u qaraaraatay madaama Pirlo lagu eedeeyay inuu qoyskiisa meel cidlo ah kaga tagay sidoo kalena uu ka raacay gabar aanan magaceeda la sheegin. Deborah Roversi ayaa ka dacwootay maxkamad ku taalo magaalada Brescia oo ahayd goobtii 12-sano ka hor ay guurkooda ka diwaa galiyeen, ugu dambeyntii maxkamada ayaa go’aamisay inuu Pirlo iska furo Roversi isagana amarkii maxkamada ayuu u hogaansamay sido kalena xidigan waxaa lagu amray inuu bil walbo siiyo Deborah Roversi iyo labadeeda caruur 55,000 oo euro ah!
Steven Gerard oo jeclaan lahaa inuu markaan aabo u noqdo wiil
Steven Gerard iyo Alex Gerard waa lamaano oo aabo iyo hooyo u ah 3-gabdhood oo lagu kala magacaabo Lilly-Ella (10-jir), Lexie (8-jir) iyo Lourdes (2-jir), balse kabtanka xulka England iyo naadiga Liverpool ayaa jeclaan lahaa in xaaskiisa mar afaraad ay uur qaado sidoo kalena wiil noloshoosa kusoo kordho. 34-jirkan haatan diyaar garow adag ugu jiro sidii uu xulkiisa England ugu hogaamin lahaa koobka aduunka ee ka dhici doono dalka Brazil ayaa xaasiisa Alex la sheekeestay ka hor inta uusan qoyskiisa kasoo tagin waxayna Alex saxaafada u sheegay Steven haatan waxa uu qalbiga ku haayo.
Alex waxay tiri “waa run Steven wuxuu doonayaa inaan markale caruur dhalno balse markan xiiso gaar ah wuxuu u qabaa inaan wiil dhalo laakiin waxaan ka cabsanaa inaan gabar 4-aad dhalo waayo sedex jeer oo xariir ah ayaan gabar dhalay!” Steven Gerard ayaa sidoo kale sheegay inuusan qoyskiisa dalka Brazil xagaagan u wadi doonin balse hadii xulka England ay soo gaaraan qaybaha dambe ee tartankan wuxuu sheegay in Alex Gerard iyo sedexdiisa gabdhood uu si dag dag Brazil ku keeni doono!
Daafaca dhalinta yar ee kooxda Real Madrid Nacho Fernandez ayaa todobaadkan aqal galay:
Wiilka dhalinta yar Nacho Fernandez ayaa ka faa’iideestay farxada kooxdiisa Madrid oo u dhawaan kula guuleestay La Decima wuxuuna xidigan go’aansaday todobaadkan inuu aqal galo, 24-jirkan oo aad u faraxsan ayaa todobaadkan magaalada Madrid kula aqal galay María Cortés oo ay mudo dheer jeceel wada jilayeen, waxaana xafladiisa kaoo qayb galeen qaar ka mid ah xidigaha Real Madrid sida Morata, Arbeloa, Isco, Illara iyo Carvajal balse nasiib daro xidigaha caanka ah ee Madrid ka tirsan sida Ronaldo, Ramos, Casillas, Alonso, Modric, Khedira iyo kuwo kale uma suura galin inay soo xaadiraan madaama ay ku mashquulsan yihiin ka qayb galka koobka aduunka umana suura galin inay xaflada Nacho soo xaadiraan.