Kubad Burburiyaha xulka Holland iyo Kooxda Milan Nigel De Jong ayaa la xaqiijiyay inuu seegayo quater finalka koobka Aduunka kadib markii xidigaan laga saaray kulankii ay rafaadka xulkiisu kaga soo gudbeen Mexico.
Nigel De Jong ayaa kaliya calfaday inuu soo muuqdo 9-daqiiqo kulankii ay xulkiisa 2-1 dirqi ah kaga badiyeen Mexico ee ka tirsanaa Wareega 16-ka koobka Aduunka kadib markii uu muruqa xanuun ka dareemay.
“De Jong dhibaato yar ayuu ka daremay muruqa anigana taas ayaa igu qasabtay inaan badalo” Tababare Louis Van Gaal ayaa sidaas u sharaxay dhaawaca xidigaan kadib kulankii xalay.
“Ma garan karo hadii uu taam u yahay Quater Finalka” Ayuu Van Gaal mar kale yiri.
“Waa mid ka mid ah xidigaheyga ugu muhiimsan, sidaas darteed waa hoos u dhac weyn oo nagu yimid”
De Jong ayaa mari doona maanta tijaabo caafimaad iyadoo lakala ogaan doono hadii uu safan karo Quater Finalka iyo hadii kale.
Xulka Netherlands ayaa wajahi doona Costa Rica warega 8-da ee koobka Aduunka kuwaas oo rigoorayaal kaga soo gudbay wiilasha Greece.
Profile