Laacibka xulka Brazil Neymar ayaa seegi doona inta harsan koobka adduunka kadib markii dhaawac culus uu ka soo gaarey dhinaca laf dhabarta ciyaartii ay 2-1 uga adkaadeen xulka Colombia iyadoo loo badinaayey in dhawaaca Neymar uu noqon doono mid fudud ayaa haatan wararka soo baxayo sheegaya in ciyaaryahanka uu seegi doono koobka adduunka.
Dhakhtarka guud ee xulka Brazil Rodrigo Lasmar ayaa dhaawaca Neymar u xaqiijiyey Brazilian TV isagoo sheegey in ciyaaryahan Neymar uusan awoodi doonin in uu ciyaaro inta ka harsan koobka adduunka taas oo dhabarjab weyn ku ah xulka Brazil oo sanadkaan doonayey in ay hantaan koobka adduunka markoodii 6.
Neymar ayaa laga saarey daqiiqadihii ugu dambeeyey ee ciyaartii ay 2-1 uga badiyeen xulka Colombia kadib markii ay isku dhaceen daafaca bidix ee xulka Colombia Zuniga waxaana uu ciyaaryahanka uu jabniin ka soo gaarey dhinaca laf dhabarta.
Dhakhtarka ayaa intaasi raaciyey in Neymar uusan u baahnaan doonin qalliin laakiin uu ubaahan yahay in uu in mudo ah nasto si uu uga soo kabsado dhaawaca gaarey taas oo ka dhigeysa in ciyaaryahan Neymar uu ka maqnaan doono ciyaarta adag ee ay kula balansaan yihiin xulka Germany wareega 4 dhamaadka.
Profile