Home » Horyaalada » La liga » Neymar JR “Xili Cayaareedkii Barcelona La Qaatay Ma Xumeyn Mana Wanaagsaneyn!”

Neymar JR “Xili Cayaareedkii Barcelona La Qaatay Ma Xumeyn Mana Wanaagsaneyn!”


Neymar Barcelona

Wiilka ay ku faanaan reer Brazil 12-bilood ka hor wuxuu halgan cayaareed ka bilaabay qaarada Yurub asigoo la qabay hami weyn iyo inuu kooxda Barcelona ka dhex muuqdo inkastoo saxaafada caalamka siyaabo kala duwan u falanqeeyeen wixii Neymar u qabsoomay tan iyo markii uu La Ligaha Spain ka shaqo bilaabay hadana xidigan isaga ayaaba is xukmiyay wuxuuna yiri

“100% qaab cayaareed wanaagsan ma aanan soo bandhigin sidoo kalena 100% hoos u dhac ah ma muujinin sidaa darteed xili cayaareedkeygii ugu horeeyay ee aan Barcelona la qaatay waa mid iska dhex dhexaad ah waxaana ugu wacan inaan halgan ugu jiray la qabsiga La Ligaha iyo sidoo kale dhaawacyo si lama filaan ah ii asiibeen”

22-jirkan ayaa geeska kale amaan balaaran usoo jeediyay xidigaha ay isku naadiga yihiin Lionel Messi wuxuuna sheegay in markii hore fikrad qaldan looga sheegay xidiga reer Argentina wuxuuna yiri

“Messi siweyn ayuu iiga yaabiyay markii aan garoon wada galnay inkastoo dad badan ay markii hore igu dhaheyn inaan garab ka heli doonin Messi hadana markii aan garoonka wada galnay siweyn ayuu ii caawiyay waxaana ogaaday inuu yahay laacib aad u wanaagsan sidoo kalena saaxiibadiisa caawiyo haatana ma haayo xumaan aan isaga ka sheego ilaan samaantiisa oo kaliya ayaan arkay tan iyo markii aan Barcelona kusoo biiray!!”

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close