Home » Europe » Champions League » Neymar JR Oo Amaanay Hab Maamulka Tata Martino: “Mar Walba Wuxuu Mideeyaa Ciyaartoyda”

Neymar JR Oo Amaanay Hab Maamulka Tata Martino: “Mar Walba Wuxuu Mideeyaa Ciyaartoyda”

322643_heroa

Xidiga Dhawaangalka ah ee Kooxda Barcelona Neymar JR kaas oo muuqaal wanaagsan sameeyay kulankii ay Kooxda Barcelona 1-0 ku dhaaftay Kooxda Celtic  kulan ka tirsan Champions League ayaa si wanaagsan u amaanay macalin Tata Martino kuna sheegay shaqsi mar walba mideeya xidigaha isla markaana naadiga Guul u horseeda.

Neymar JR ayaa kusoo bilowday ciyaartii Celtic wuxuuna xiigaan heerka caalami soo galay ciyaarta la’aanta Lionel Messi oo dhaawac kaga maqan kooxda wuxuuna sheegay in Doorka Barcelona ee ku aadan guulaha uu masuul ka yahay macalin Tata Martino.

Cesc Fabregas oo ka tirsan barcelona ayaa horay u dhibsaday Qab maamulka Tata Martino balse Neymar JR ayaa hadal ka duwan Cesc ku hadaaqay kadib guushii celtic.

“Shaqsi walba wuxuu dareemaa nasiino wuxuuna sameeyaa in xidig walba uusan daalin ka hor kulan walba oo adag taasoo ka dhigi karta in xidiga uu isku diyaariyo kulankaas”

“Muhiimada kulan walba walba waa in guul la gaaraa Tata Martino wuxuu sameyaa mar walba wax walba oo sababi kara inaan guul gaarno”

21-jirkaan heerka caalami ayaa sameeyay 8-muuqaal dhamaan tartamada oo dhan wuxuuna dhaliyay 2-goal.


Waxaa Aqrisay: (188)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>