Neymar Jr. waa xidiga ay ku faanaan reer Brazil sidoo kalena ka mid ah laacibiinta caalamka ugu wanaagsan waxaaa intaas usii dheer in Neymar uu ka mid yahay xidigaha ugu saameynta balaaran kubada cagta marka ay noqoto xayeysiinta iyo suuq geynta qalabka Sports ee kala duwan waxaan oran karnaa waa indhah kubada casriga xiligan caalamka laga cayaaro balse kuma dheeraan karno xirfadiisa cayaareed madaama aan maqaalkeena ugu tala galnay noloshiisa gaarka ah waxaana naga codsaday aqristaheena qiima badan zeki tulux, fadlan hoos kaga bogo Neymar iyo noloshiisa gaarka ah macluumaadka ku saaban:
Waxaa la yaab ah in Neymar oo 22-jir ah inuu maraayo jaceelkii sedexaad sidoo kalena aabo uu noqday asigoo 19-sano jiro! dabcan midaas waxa muujinee in xidigan hablaha reer Brazil dhamaantooda ay tartan ugu jiraan madaa uu weli dhalin yar yahay ka filo inuu xiriiri dheeraad ah sameeyo, Neymar ugu horeyntii wuxuu xiriir gaaban la sameeyay gabadha lagu magacaabo Carolina Dantas waa 20-jir kana mid ah gabdhaha reer Brazil ee dharka xayeysiiyo xiriirkooda oo meel dhexe maraayo ayay Carolina wiil u dhashay Neymar bishii August 2011 waxaana wiilka loogu magac daray David Lucca da Silva.
Waxaa xusid mudan in Neymar uu aabo noqday asigoo 19-jir ah wuxuuna maalinkaas yiri “markii aan maqlay inaan aabo noqday waan ooyay waay ugu horeyntii cabsi ayaan dareemay waxaana aaminay inaan masuuliyadaas qaadi karin, laakiin markii dambe farxad ayaan dareemay haatana waan ku faraxsanahay inaan David Lucaca aabe u ahay sidoo kalena aan masuuliyadaas kasoo bixi karo!” laakiin Neymar iyo Carolina xiriirkooda si dhaqsi ah ayuu ku dhamaaday.
Neymar Jr. dhawaanahan wuxuu aad ugu dhawaa gabadha jilaaga ah ee dalka Brazil caanka ah Bruna Marquezine waxayna wada socdeen mudo sanad ka badan sidoo kalena marar badan ayaa lagu arkay fagaaraha Brazil ayagoo wada socdaan laakiin si lama filaan ah ayay ku kala hareen Bishii Febraayo ee isla sanadkan weliba maalinta jaceelka aduunka ayay si rasmi ah ugu dhawaaqeen inuu xiriirkooda bur bur ku yimid!!
Neymar oo diidanaa koobka aduunk inuu bilaawdo asigoo saaxiib la ah ayaa dhowr bilood ka hor saxaafada la wadaagay aqbaar farxad badan wuxuuna yiri “waxaa nolosheyda kusoo biirtay Gabriella Lenzi waxaana rajeynaa inaan waqti badan isla qaadan doono” gabadhan ayaa ka mid ah hablaha dalka Brazl dhanka Model-ka ku caan baxday waxana haatan marwalb daawataa kulamada xulka Brazil cayaaraan koobka aduunka madaama ay taageero weyn u tahay saaxiibkeed Neymar waxaana xusid muan in Gabriella Lenzi ay da’ahaan jirto 20-sano.
asxaabta hiil kubad.com aad bn idiinku mahad celinyaa wayo marka hre meesha klaiyaa aan aadka ula scdawaa hii kubad.com lkn asxaabta codsigu ma yraa kkkkkk marba mid aan helno meesi inesta sazes pedro only
Sxb waad mahad santahay waxaana kala socotaa macluumaadk Messi, Iniesta, Pedro qaybta nolosha xidigaha aduunka waayo marhore ayaan idiin soo gudbinay mar labaad mahadsanid.
Websiteka iyo shaqalaha shabakada hiilkubad way ku mahad sanyihin sida wanagsan e ay u hanqabtiran taageerayashoda sharafta leh intaa kadib waxan codsanayaa robben iyo v.persie in noloshoda gaarkaa la’iso tabiyo sida ugu dhakhsaha badan.
Wad mahadsantihin
Adiga Mudan aqristaha sharafta badan, fadlan Robben iyo Van Persie noloshooda gaarka ah marhore ayaan soo gudbinay waxaana macluumaadkooda ka baari kartaa qaybta Nolosha Xidigaha Aduunka ku Dhufo Kadib waad heleysaa, Wada shaqeyn wacan.