Inkastoo Lionel Messi uusan kooxdiisa Barcelona u cayaarin kulamadii ugu dambeesay madaama uu dhaawac garoomada kaga maqan yahay hadana Barca ma aysan tabin xidigan madaama ay iska sii wadatay guulaheedii isdaba jooga ahaa waxaana booska Messi siweyn u buuxiyay xidiga reer Brazil Neymar balse 21-jirkan ayaa ku gacan seeray in Barcelona ay ka maraanto Messi wuxuuna yiri “Messi marwalbo waa laacibka ugu muhiimsan Barcelona sidaa darteed dhamaanteen siweyn ayaan ugu xiisnay Lionel waxaana u rajeynaa inuu si dhaqsi ah kusoo kabto” Neymar waxaa u suura gashay in labadii kulan ee ugu dambeesay lagu soo bilaabo madaama uu Messi dhaawac ku maqnaa sidoo kalena wuxuu soo bandhigay qaab cayaareed aad u wanaagsan madaama uu ku lug lahaa dhamaan goolasha ay Barcelona dhalisay sidoo kalena uu gool muhiim ah todobaadkan dhaliyay.
Neymar oo la hadlaayay wargeska Marca ayaa sheegay in kooxdiisa haatan jawi wanaagsan ku jirto sidoo kalena uu rajeynaayo inay dadaalkooda sii laba laabaan wuxuuna yiri “madaama xili cayaareedka uu yahay mid aad u dheer waxaan aad ugu faraxsanahay guulaha aan gaareyno inkastoo kulamado badan xidigaheena muhiimka ah ay naga maqnaayeen hadana waxaa muuqato in macalin Martino inuu dhisay koox isku xiran oo aan hal cayaaryahan ku tiirsaneyn” Barcelona ayaa kulankeeda xiga la cayaari doonto naadiga Osasuna 19-ka bishan October waana marka laga soo laabto kulamada isreeb reebka koobka aduunka oo la cayaari doono todobaadka dambe.