Grathe Bale hoos u dhac aad u xun ayuu sameeyay kulankii Real Madrid guuldaro 2-1 kala kulantay kooxda Juventus.
Balse saxaafada aduunka ayaa dhaliil weyn usoo jeedisay sidoo kalena guud ahaan xidiga reer Wales xili cayaareedkan bandhigiisa ma wanaagsan haatana mustaqbalkiisa Real Madrid ma ahan mid fadhiyo,
Hadaba dhibaatada uu Bale ku sugan yahay waxaa ka hadlay weeraryahanka naadiga Barcelona Neymar wuxuuna arinkan ka yiri.
“Dhaliisha iyo cadaadiska waa wax ka mid ah kubada cagta sidoo kalena dhamaanteena waan la kulanaa”
“Sidaa darteed cayaaryahan walbo waxaa laga rabaa inuu culeeska xamilo sido kalena la imaado xeelad uu hoos u dhaca kaga bixi karo”
“Balse waa cayaaryahan wanaagsan balse waa inuu bartaa sida cadaadiska loo xamili karo waayo waxaa ka muuqato inuusan u adkeesan karin dhaliisha beryahan lala daba kacay”
“Waxaan kula talin lahaa inuusan ahmiyad siinin saxaafada iyo taageerayaasha kaliya uu ku dadaalo inuu tababar adag sameeyo sidoo kalena uu gudaha garoonka bandhig wanaagsan ka muujiyo”