Inter Milan ayaa ku warantay iney qorsheyneyso in saxiixeeda cusub Nemanja Vidic ay ka dhigto Kabtanka naadiga, sidoo kalana Andrea Ranocchia ayaa isna soo labeeya qorshaha kabtanimo ee kooxda Inter.
Kooxda Sansiro ku ciyaarta ee lagu neynaaso Nerazzurri ayaa ka fikireysa dooqa labada xidig, iyadoo maanta ay bandhigayaan saxiixooda cusub Vidic kaas oo kabtan usoo ahaa kooxda Manchester United, xaaladaan ayaa timid kadib markii kabtankii kooxda Javier Zanetti uu ka mid noqday maamulka kooxda isla markaana uu isaga fariistay kubada cagta.
Suuragalnimada ah in Vidic loo dhiibo kabtanimada kooxda ayaa ah 50% madama uu yahay waaya arag mudo kusoo jiray ciyaarta yaqaanana hogaaminta koox weyn halka Ranocchia uu heysto 50% madama uu isna yahay wiil waqti kusoo qaatay Sansiro sidoo kalana haatan saxiixay heshiis waqti dheer una dhashay dalka talyaaniga.
Si Kastaba kadib bandhiga saxiixa cusub ee Vidic ayaa la filayaa in lakala cadeeyo cida qaadeysa masuuliyada kooxda Inter Milan marka garoonka lagu jiro.
Profile