Home » Horyaalada » La liga » Nasiib Badanaa: Karim Benzema Oo Hada Kadib Labo Laabo Mushaarkiisa Real Madrid Sare U Qaadi Doonto!

Nasiib Badanaa: Karim Benzema Oo Hada Kadib Labo Laabo Mushaarkiisa Real Madrid Sare U Qaadi Doonto!


Real Madrid's Benzema celebrates after scoring during their Spanish first division match in Madrid

Weeraryahanka xulka France Karim Benzema ayaa ugu dambeyntii kalsoonida maamulka Real Madrid kasbaday wuxuuna xidigan ku shaqeyn doonaa xili cayaareedka dambe mushaarka u haatan qaato labo laabkiisa, weeraryahankan ayaa lagu amaanay doorkii uu ka qaatay hanashada La Dacima waxaana la iloobi karin inuu kaalin muuqat ku lahaa falsafadii uu macalin Carlo Ancelotti ku qaaday koobka horyaaada Yurub sidaa darteed Benzema oo haatan sanad walbo Madrid ka qaato €4.5m ayaa la sheegay in qandaraas cusub laga saxiixi doono kaasi oo u suura galin doono inuu sanad walbo qaato €9m!

Maamulka Real Madrid ayaa kulan la qaadan doonaan wakiilka Benzema madaama xidigan ku mashquulsan yahay ka qayb qaadashada koobka aduunka waxaana la filaa inuu si rasmi ah qalinka ugu duugo heshiiskan cusub marka uu dib ugu soo laabto xarunta Madrid dhamaadka bisha July, waxaa naga xasuusin ah in xidig tayada wanaagsan qandaraaska uu haatan Real Madrid kula joogo inuu ku egyahay sanada 2015 balse wuxuu qalinka ku duugi doonaa heshiis waqtigiisa dheer yahay, Real Madrid ayaa sheegtay inay iska diiday labo dalab oo ay usoo direen kooxaha PSG iyo Arsenal waxaana xidigan si gaar ah u xiiseenayo inuu Madrid baaqi kusii ahaado macalin Calro Ancelotti madaama uu tababarahan doonayo inuu ceshto xidigahii Real u qaabeen koobka horyaalada Yurub xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close