Sida ay sheegeen Warbaahinta Dalka Spain & Kuwa Talyaaniga Paris Saint Germain ayaa laga yaabaa iney weyso kubad sameeyaheda reer France madama ay isku heystaan kooxaha Barcelona iyo Napoli.
Mundo Deportivo ayaa saaka cadeysay in Barcelona ay si aad ah u xiiseyneyso Xidigaan Khadka Dhexe isla markaana ay dooneyso iney soo xero galiso xagagan.
26-jirkaan reer France ayaa sidoo kale dalab ka helay Napoli madama ay Rafael Benitez uu jecel yahay qaab ciyaareedka xidigaan heerka caalami.
Barcelona ayaa dooneysa iney xidigaan ku badasho booska la filayo inuu Baneeyo Xavi oo da’da ay ka daba timid.
PSG ayaa dooneysa iney xidigaan lacago ku hesho ka hor bisha June markaas oo xidigaan qandaraaskiisa uu dhacayo, Hadii January xidigaan laga iibsado waxey heli doontaa €7 Million.
Waxaa Aqrisay: (134)
Mogadishu - Somalia