Home » Horyaalada » La liga » Nacho Fernandez Oo Heshiis Kordhin Lix Sanno Ah Qalinka Ugu Duugay Real Madrid

Nacho Fernandez Oo Heshiis Kordhin Lix Sanno Ah Qalinka Ugu Duugay Real Madrid


nacho

Kooxda Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in ciyaaryahan Nacho Fernandez uu saxiixay heshiis cusub ilaa iyo 6 sanno oo kale ah.

Ciyaaryahanka Akademiga Real Madrid kasoo baxay ayaa kulankiisa ugu horeeyay Los Blancos u saftay 2011 kulan ay 6-3 kaga adkaadeen Valencia.

Kooxda heysato Horyaalka Yurub ee Champions League ayaa ku dhawaaqday in 24 jirkan qalinka ku duugay heshiis uu kusii joogayo Santiago Bernebue tan iyo 2021.

“Real Madrid waxay shaacinaysaa in Nacho Fernandez uu saxiixay heshiis kordhin lix sanno ah,” ayaa lagu sheegay qoraal ay soo dhigeen boga ay internet ka ku leeyihiin.

Nacho ayaa kulan keliya u saftay xulka Spain, waxa uuna Madrid kusoo biiray isagoo jiro 11 sanno jir waxa uuna Real Madrid B u saftay in ka badan 100 kulan.

Close