Home » Horyaalada » Bundesliga » Naadiyada Yurub Ugu Magaca Dheer Oo Soo Bandhigeen Xidigaha Ugu Caasan Ee Taariikh Ahaan Usoo Cayaareen

Naadiyada Yurub Ugu Magaca Dheer Oo Soo Bandhigeen Xidigaha Ugu Caasan Ee Taariikh Ahaan Usoo Cayaareen


Beckham

Naadiyada Yurub ugu caansan waxaa usoo cayaareen xidigo badan oo caalamka magac ku leh balse koox walbo oraadeeda waxay ku sheegtay ama kusoo bandhigtay guud ahaan xidigaha usoo cayaareen midka ugu caansan, waxaa macquul ah in kooxaha qaar ay ku adkaatay inay hal xidig xushaan waayo Real Madrid oo kale waxaa usoo cayaareen xidigahii aduunka ugu caansanaa sida Zidane, Ronaldo, Figo Beckham, Raul iyo kuwo kale sidaa darteed Madrid oo kale aadbay ugu adag tahay inay doorato hal xidig oo ay “dhahdo midkaan ayaa noogu cansanaa dhamaan xidigaha taariikh ahaan inoo soo cayaareed” hadaba war iyo dhamaantiisa hoos kaga bogo kooxaha Yurub ugu caansan iyo hal ka xidig oo ay u doorteen inuu yahay midkii ugu caansanaa ee maaliyadooda xirtay:

Arsenal

Arsenal: Thierry Henry 128-sano oo ay Arsenal dhisan tahay ma jiro xidig ka caansan Henry waana laaciba Arsenal ugu goolasha badan asigoo u dhaliyay 228-gool sidoo kalena koobab farabadan ayuu Gunners-ka kula guuleestay.

Xidigahii ugu caansanaa ee Henry kusoo xigaan: Dennis Bergkamp, Liam Brady, Denis Compton, Ian Wright

Chelsea

Chelsea: Ron Harris magacan ma ahan mid ku cusub taageerayaasha Chelsea wuxuuna halyeegan Blues u safta inka badan 795-kulan intii u dhaxeesay 1961 ilaa 1980 sidoo kalena wuxuu ahaa hogaamiye aad loo jeclaa.

Xidigaha kusoo xigaan dhanka caanimada: Jimmy Greaves, Pat Nevin, Ruud Gullit, John Terry, Frank Lampard

Liverpool

Liverpool: Kenny Dalglish waayihii ugu quruxda kooxda Liverpool halyeegan ayaa hormuud u ahaa mudo 13-sano ee uu garoonka Anfield kasoo muuqanaayay koob wabo ayuu gacanta ku dhigay markii uu tababare u noqday guushii ayuu halkiisa kasii waday sida darteed geesiga loogu jecel yahay uguna caansan Livepool waa King Kenny.

Xidigaha kusoo xigaan dhanka caanimada: Robbie Fowler, Ian Rush, Steven Gerrard, Kevin Keegan, Peter Beardsley

Manchester City

Manchester City: Colin Bell taageerayaasha Man City way isku raacsan yihiin Bell inuu yahay shaqsigii ugu caansanaa ee ebid kooxdan usoo cayaaro waayo intii u dhaxeesay 1966 ilaa asiga aya hormuud kooxdan u ahaa wuxuuna u saftay 400-kulan wuxuuna kula guuleestay koobab badan.

Xidigaha dhanka caanimada kusoo xigaan: Bert Trautmann, Franny Lee, Mike Summerbee, Georgi Kinkladze, Denis Law

Manchester United

Manchester United: David Beckham dabcan David waa safiir ay ku fanaan dhamaan xirfadlaayasha kubada caga magaciisana wuxuu gaaray dhaman daafaha caalamka sanadii 1991 ayuu ku biiray xaruna tababarka Man United haatana waa shaqsiga ugu magaca dheer dhamaan laacibiintii horey kooxdan ugu soo cayaareen.

Xidigaha dhanka caanimada kusoo xigaan: George Best, Bobby Charlton, Ryan Giggs, Duncan Edwards, Cristiano Ronaldo

Barcelona

Barcelona: Lionel Messi mucsjisada kubada cagta xiligan casriga ah muran kama taagno inuu yahay shaqsigii ugu caansanaa ee xirto maaliyada Barcelona madaama waxqabadkiisa aan la gaari karin.

Xidigaha kusoo xigaan dhanka caanimada: Ladislao Kubala, Johan Cruyff, Diego Maradona, Ronaldinho, Ronaldo

Real Madrid

Real Madrid: Alfredo Di Stefano inkastoo Cristiano Ronaldo uu haatan yahay laacibka aduunka ugu caansan xiligan la joogo hadana Di Stefano inka badan 40-sano ayuu Madrid horkacayaayay wuxuuna kula guuleestay koobab xad dhaaf ah ilaa haatana waa shaqsiga loogu jecel yahay garoonka Bernabue.

Xidigaha kusoo xigaan dhanka caanimada: Cristiano Ronaldo, Santiago Bernabeu, Luis Figo, Ferenc Puskas, Ronaldo, Zinedine Zidane

Bayern Munich

Bayern Munich: Franz Beckenbauer waa daaficii ugu wanaagsanaa ee ebid kubada cagta cayaaro sidoo kalena intii u dhaxeesay 1964 ilaa 1977 koobab aan la xisaabi karin ayuu kula guuleestay xulka Jarmalka iyo kooxdiisa Bayern Munich.

Xidigaha kusoo xigaan dhanka caanimada: Uli Hoeness, Paul Breitner, Lothar Matthaus, Gerd Muller, Karl-Heinz Rummenigge

Borussia Dortmund

Borussia Dortmund: Matthias Sammer waa xidigii ugu dambeeyay ee reer Jarmal kaasi oo ku guuleesto Ballon d’Or sidoo kalena koobab farbadan ayuu Dortmund kula guuleesta asigoo cayaartay ah iyo sidoo kalena asigoo macalin ah!

Xidigaha kusoo xigaan dhaka caanimada: Jan Koller, Robert Lewandowski, Jurgen Kohler, Michael Zorc, Stefan Reuter

Milan

AC Milan: Marco van Basten waa mid ka mid ah gool dhaliyayaashii ugu wanaagsanaa ee caalamka soo maray wuxuuna Milan u horseeday guulo taariikhi ah.

Xidigaha dhanka caanimada kusoo xigaan: Ruud Gullit, Paolo Maldini, Cesare Maldini, Roberto Baggio, George Weah

Internazionale

Internazionale: Ronaldo ma ahan xidiga Interugu caansan oo kaliya sidoo kalena waxaa lagu tilmaami karaa laacibka aduunka ugu magaca dheer!

Xidigaha kusoo xigaan dhanka caanimada: Luis Suarez, Javier Zanetti, Christian Vieri, Zlatan Ibrahimovic, Jurgen Klinsmann

Juventus

Juventus: Zinedine Zidane ayaa ugu caansan wuxuuna Juve kula guuleestay labo horyaal sidoo kalena Ballon d’Or iyo World Player of the Year ayuu qaatay asigoo maaliyada Juve xiran.

Xidigaha kusoo xigaan dhanka caanimada: Michel Platini, Alessandro Del Piero, Roberto Baggio, Gianluigi Buffon, Claudio Gentile

Roma

Roma: Francesco Totti ayaa ugu caansan xidigaha taariikh ahaan usoo cayaareen, asigoo 17-jir ah ayuu Roma u saftay wuxuuna ilaa haatan u cayaaray 700-kulan asigoo u dhaliyay 289-gool!

waxaa kusoo xigaan Cafu, Carlo Ancelotti, Daniele De Rossi, Giuseppe Giannini, Roberto Pruzzo

Paris Saint-Germain

Paris Saint-Germain: xidigii ugu caansanee ee maaliyadooda xirto waa Ronaldinho

Waxaa kusoo xigaan dhanka caanimada Zlatan Ibrahimovic, George Weah, David Beckham, David Ginola, Rai


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close