Home » Europe » Europe League » Naadiga Galatasaray Oo Dooneysa Iiney Turkiga Keento Kabtanka Chelsea John Terry

Naadiga Galatasaray Oo Dooneysa Iiney Turkiga Keento Kabtanka Chelsea John Terry


odd-john-terry-europa-final

Kooxda reer turki ee Galatasaray ayaa damacsan iney horyaalka dalkeeda keento kabtankii hore Xulka England John Terry.

33-jirkaan heerka caalami ayaa heshiiska uu kula jiro naadigisa uu ku egyahay dhamaadka xili ciyaareedkaan inkasto la filayo in hal sano oo heshiis dheeraad ah loogu kordhiyo.

Sida laga soo xigtay Daily Mirror kooxda reer Turki ayaa loo ogol yahay iney ka hadasho shuruurda Terry ee ah inuu doonayo mushaar isbuucii £100,000 iyo in lacag la’aan looga dhigi canshuurta dalka.

Si Kastaba John Terry ayaa la filayaa inuu sii joogi doono naadiga Galbeedka London ka dhisan ee Chelsea madama aad looga jecel yahay.

Xidigaan ayaa kusoo koray koxda Blues wuxuuna kulankiisii ugu horeeyay saftay October 1998-dii kulan ka tirsan Koobka League Cupka oo ay CHelsea la ciyaareysay Aston Villa.

Mudadii uu ku sugnaa naadiga wuxuu u suuragaliyay: 3-horyaal, 5-FA Cup, 2-Carling Cup, 1-Europa League & 1-Champions League.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close