Home » Europe » Europe League » Naadiga Benfica Ayaa Si Rasmi Ah Ugu Guuleesatay Horyaalkeedii 33-Aad

Naadiga Benfica Ayaa Si Rasmi Ah Ugu Guuleesatay Horyaalkeedii 33-Aad


Benfica

Kooxda SL Benfica ayaa si rasmi ah loogu caleemo saaray guulestayaasha horyaalka Portugal xili cayaareedkan 2013/14 kadib markii ay todobaadkan kulankeedii ugu dambeeyay 2-0 ku suul daartay kooxda SC Olhanense waxayna Benfica guushan kaga mahad celinee weeraryahankeeda reer Brazil Lima oo goolasha muhiimka ah dhaliyay, Benfica ayaa ku guuleesatay horyaalka Portugal oo haatan labo kulan ka harsan waana markii 33-aad taariikh ahaan oo ay kooxdan ku guuleesto Portugal Super Liga, xili cayareedkii 2009/10 ayaa ugu dambeesay Benfica oo ku guuleesato horyaalka Portugal waxayna soo afjartay 3-sano ee ugu dambeesay oo ay kooxdan kaalinta 2-aad ku dhameesaneesay horyaalkan xiisaha badan.

Benfica haatan waxay 7-dhibcood ka sareysaa naadiga Sporting Lisbon waxaana horyaalka ka harsan 2-kulan oo quraa sidaa darteed hadii labada kulan ee u harsan laga badiyo sidoo kalena Lisbon guuleesato hal dhibic ayay Benfica horyaalka ku qaadi doontaa sidaa darteed kabtanka Benfica Luisão oo saxaafada la hadlay wuxuu yiri “bilawgii xili cayaareedkan dhibaato badan ayaan la kulanay balse dhabar adeeg badan ayan sameenay waxaana u hibeenay guusha aan gaarnay taageerayaasheena qiimha badan runtii farxada aad dareemayo kaliya waxaa fahmi karo shaqsi Benfica jecel!” naadiga Benfica ayaa ah kooxda ugu guulaha badan dalka Portugal madaama ay ku guuleesatay 33-horyaal waxaa kusoo xigto kooxda FC Porto oo iyadana 27-jeer ku guuleesatay horyaalkan halka Sporting Lisbon ay kaalinta 3-aad ku jirto ayadoo hanatay 22-horyaal.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close