Kooxda Arsenal mudo 9-sano ah wax koob kuma guuleesanin sidoo kalena taageerayaasha kooxdan xili cayaareedkan niyad jab xoogan ayay la kulmeen madaama Gunners-ka ay ku guul dareesatay hanashada Premiership-ka iyo koobka horyaalada Yurub sidaa darteed qaar ka mid ah taageerayaasha kooxdan waxay dalbanayaan in isbadal xoogan lagu sameeyo naadigan faca weyn sidoo waxay doonayaan in macalin Arsene Wenger in xilka laga xayuubiyo, hadaba inta badan taageerayaasha Arsenal ayaa cod laga qaaday waxayna ku doorteen 11-xidig oo ay aaminsan yihiin inay kooxdan guulo gaarsiin karaan iyo macalin cusub, hadaba hoos kaga bogo kooxda ay taageerayaasha Arsenal ku riyoonayaan:
Tababare: Jurgen Klopp (Dortmund)
Goolhaye: Victor Valdes
Daafaca: Seamus Coleman (Everton), Laurent Koscielny, Mats Hummels (Dortmund), Kieran Gibbs
Khadka dhexe: Ilkay Gundogan (Dortmund), Aaron Ramsey, Theo Walcott, Mesut Ozil
Weerarka: Marco Reus (Dortmund), Mario Mandzukic (Bayern Munich)