Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa ka hadlay guuldaradii xalay kusoo gaartay gurigooda markii ay marti qaadeen Atletico Madrid kulan ka tirsan Champions League lugtiisa labaad, wareega Semi Finalka markaas oo kooxda galbeedka London ka dhisan lagu suldaaray 3-1.
Kooxda Premier League ka dhisan ayaa guuldaradaan ay kaga dhigan tahay iney kasoo hartay tartanka Champions League iyadoo Atletico ay u gudubtay finalka Lisbon ka dhici doona 24-ka bishaan iyadoo la ciyaari doonta kooxda ay isku magaalada yihiin ee Real Madrid.
Jose Mourinho ayaa aaminsan in kooxdiisa ay hareeyeen dhaawacyo, ganaaxyo iyo sidoo kale in ciyaartoyda muhiimka u ah koxda qaarkood aysan ka qeyb gali karin tartanka.
“Xili ciyaareedka dambe ayaan ka fiicnaan doonaa sidaan, waana hamigeena, iyo hamiga qo walba, xidgaheena da’da yar ayaa qibrad u siyaadi doontaa, sidoo kalana xidigaha kooxda ayaa is fahmi doona waxaana jecelnahay inaan ka wanaagsanaano xili ciyaareedka dambe sidaan”
“Ma doonayo inaan dhaleeceeyo xidigaheyga kuwaas oo wax walba sameeyay, dhaawacyo ayaa dhibaato nagu ahaa, ganaaxyo iyo xidigaha qaarkood oo aan noo ciyaari karin Champions League” ayuu Mourinho u sheegay SKy Sport News.
Atletico iyo Real ayaana Lisbon ku balansan 24-ka May.