Home » Maxaa Cusub » Muxuu Tababare Jose Mourinho Ka Yiri Guuldaradii Sunderland & Garsoore Mike Dean?

Muxuu Tababare Jose Mourinho Ka Yiri Guuldaradii Sunderland & Garsoore Mike Dean?


Jose

Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaan ku xad gudbin garsoore Mike Dean kaas oo dhex-dhexaadiye ka ahaa kulankii ugu horeeyay oo uu guuldaro kala kulmo kulan Premier League garoonka Stamford Bridge kadib markii ay 2-1 ku garaacday Sunderland.

77-kulan oo aan laga adkaan tababare Jose Mourinho oo ku ciyaaraya gurigiisa Stamford Bridge kulamada horyaalka ayaa lasoo afaray Fabio Borini oo Liverpool amaah kaga maqan ayaana rigoore ka dhaliyay inkastoo rigoorada uu shaki ku jiray markii Altidore qalad looga galay xerada ganaaxa.

Si kastaba Mourinho ayaa ka hadlay kulankii Sunderland iyo Garsoore Mike Dean.

“Kaliya waxaan dhihi karaa afar shey”  ayuu Mourinho u sheegay Sky Sports kadib kulanka.

“Hambalyo xidigaheyga sababtoo ah waxey sameeyeen waxey awoodeen iyo waxeysan awoodinba”

“Hambalyo Sunderland waayo wey guuleysatay, Hambalyo Garsoore Mike Dean sababtoo ah wuxuu soo bandhigay qaab layaab leh”

“Sidoo kale Hambalyo Mike Riley waayo wuxuu sameeyay intii lagu guda jiray xili ciyaareedkaan wax cajiib ah iyo sidoo kale hambalyo dhamaantood wax kalana ma dhihi karo waan ka xumahay”

Caawiyaha Tababaraha Chelsea  Rui Faria ayaa banaanka loo eryay kadib markii uu ka carooday falkii garsoore Mike Dean ee rigoorada uu kaga dhigay Chelsea.

Chelsea v Sunderland - Premier League


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close