Home » Europe » Champions League » Muxuu Tababare Diego Simeone Ka Yiri Guuldaradii Ay Xalay Ku Waayeen Champions League?

Muxuu Tababare Diego Simeone Ka Yiri Guuldaradii Ay Xalay Ku Waayeen Champions League?


Simeone

Tababaraha reer Argentina ee kooxda Real Madrid Diego Simeone ayaa ka hadlay guuldaradii xalay soo gaartay kooxdiisa isagoo sheegay iney tahay ciyaar mudan in laga qaraaro inkstoo ay wiilashisa u dhawaadeejn iney gacanta ku dhigaan Champions League markii ugu horeysay ebid.

Diego Godin ayaa hogaanka u dhiibay Atletico Madrid, balse gool soo daahay oo yimid waqtigii dhimasahada oo uu dhaliyay Ramos ayaa soo nooleeyay rajada Los Blancos isagoo dhulka la galay hamigii kooxda Los Rajoblancos ee Atletico Madrid.

Madax Ka yimid Bale, Darbo Culus oo uu tuuray Marcelo iyo Rigoore loo dhigay CR7 ayaana xabaal dheer ku riday wiilal u muuqday iney daaleen 30-kii daqiiqo ee dheeriga ah oo lagu kordhiyay ciyaarta markii ay barbaro ku kala baxeen.

“Waxey aheyd mid xanuun badan 100%, hada waa inaan u nasanaa xili ciyaaredka soo aadan, waan ku faanayaa xidigaheyga” ayuu yiri Diego Simeone oo la hadlay Sky Sports.

“Waan u sheegay wiilasheyda iney tahay micno daro iney xambaaraan, waa iney ku faanaan nafsadooda kana fakaraan xili ciyaareedka soo aadan”

“Ma dareemayo xumaan, kaliya qaraar ah inaan gaarin hamigeygii maahane, maalin ayaad heli doontaa wax walba”

Diego Simeone ayaa ah macalin leh xamaasad dheereysa isagoo wiilashiisa u hogaamiyay iney qaadaan horyaalka La Liga iyo sidoo kale imaanshaha Finalka Champions League.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close