Home » Horyaalada » League 1 » Muxuu Tababare Didier Deschamps Ka Yiri Guuldaradii France Kala Kulmeen Xulka Jarmalka?

Muxuu Tababare Didier Deschamps Ka Yiri Guuldaradii France Kala Kulmeen Xulka Jarmalka?


deschamps-benzema490ai

Macalin Didier Deschamps iyo wiilaha boorsooyinkooda ayay ka qaadan doonaan dalka Brazil kadib markii wareegii 8-aa kulankii ay la cayaareen xulka Jarmalka 1-0 lagu suul daaray macalinkan qabiirka ah ayaa ka hadlay guuldaradan wuxuuna yiri “runtii dadaal badan ayaan sameenay 90-daqiiqo balse waxaa nagula dilay waaya aragnimo sidaa darteed Jarmalka waaya aragnimada ay u leeyihiin heerkan oo kale ayay adeegsadeen halka anaga aan midaas sameyn weynay!”

Didier Deschamps ayaa hadalkiisa sii watay wuxuun yiri “kama shaleynayo guuldarada nagu dhacday waayo xidigaheyga dadaal ayay sameeyeen sidoo kalena fursado aan cayaarta ku bar bareen karnay ayaan helnay laakin nasiib daro wareega 8-aad waan gudbi weenay inkastoo aan rabnay inaan horey usii socono” Macalin Didier Deschamps markii ugu horeesa ayuu guuldaro tartanka koobka aduunka ah la kulmay waayo asigoo cayaaryahan ah sanadii 1998 7-kulan ee uu France kabtan u ahaa markii ay koobka qaadayeen lagama badanin sidoo kalena 4-kulan ee koobka aduunka 2014 ugu horeesay wax guuldaro ah ma arkin asigoo macalin ah balse ugu dambeyntii xidigaha xulka Jarmalka ayaa iskoorkiisa ka jebiyeen inkastoo Didier Deschamps uu kalsooni weyn ka abuurtay shacab weynaha reer France tan iyo markii koobka aduunka uu dalka Brazil ka bilaawday.

Close