Home » Maxaa Cusub » Muxuu Luke Shaw Ka Yiri Ku Biiritaankiisa Manchester United?

Muxuu Luke Shaw Ka Yiri Ku Biiritaankiisa Manchester United?


Shaw United

Luke Shaw oo 18-jir ah ayaa ku biiray Manchester United isagoo noqday saxiixii ugu qaalisanaa da’yarta Aduunka wuxuuna kala wareegay booskaas wayne Rooney oo sanadii 2004 ku biiray Manchester United.

Luke Shaw wuxuu noqday saxiixii ugu horeeyay dhanka daafaca ee Louis Van Gaal iyo sidoo kale kii labaad ee Manchester United xili ciyaareedkaan kadib markii uu tijaabadii caafimaad maray wuxuuna Old Trafford ku yimid Aduun dhan 31.5 Malyan Oo Pound.

Daafacaan Bidix ee United kusoo biiray ayaa ka hadlay kusoo biiritaankiisa koxoda.

Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan ku biiro Manchester United. waxaan ka mid ahaa Southampton tan iyo sideed jirkeygii waxaan jeclahay inaan u mahad celiyo dhamaan kooxdii aan kasoo tagay iyo taageerayaasheeda wax walba oo ay ii sameeyeen. Waxaan doonayaa inaan sii wato waqtigeyga ciyaareed anigoo ku biiray Man United waana meesha iigu fiican ee aan aadi lahaa. Waxaan sugi la’ahay cutubka cusub ee nolosheyda anigoo rajeynaya inaan wax ka barto xidigaha sare ee kooxda iyo maamulkeeda”

Sidoo kale halyeygii hore Manchester United haatan ah caawiyaha tababaraha Manchester United Ryan Giggs ayaa ka hadlay saxiixa cusub ee Manchester United.

Luke waa xidig da’yar oo hibo u leh ka ciyaarista daafaca bidix isla markaana leh awood weyn. Wuxuu sameeyay hormar baaxad leh intii uu joogay Southampton. Waan ku faraxsanahay inuu kusoo biiro Manchester United, sida aan aaminsahayna waa xidig ku haboon kooxda inuu kasii wato hormarkiisa isagoo da’yar isla markaana fuliyo ballanta”

Luke Shaw waa xidig ka tirsan Manchester United

Red devil: Shaw became the most expensive teenager in football history when he signed for United

History: Shaw said he was 'thrilled and delighted' to be joining the 13-time Premier League champions

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close