Weeraryahanka Xulka Uruguay Luis Suarez ayaa xalay guul taariikhi ah usoo hoyay xulkiisa kadib markii uu laba gool ka dhaliyay xulka England ciyaartii labaad ee koobka Aduunka taasoo ka dhignaatay in Uruguay ay helaan guushoodii ugu horeysay sanadkaan koobka Aduunka.
Weeraryahanka Liverpool ayaa lugtiisa ku ciqaabay Ingiriiska inkastoo dhaawac looga saaray garoonka hadana Luis ayaa riyo u arka inuu soo bandhigay bandhigii xalay.
“Waan raaxeysanayaa waqti xaadirkaan” Ayuu u sheegay suxufiyiinta, “Sababtoo ah waxaan la xanuunsanayaa cambaareyno badan oo aan helay, runtii waa iney horay uga socdaan”
Sidoo kale Rooney ayaa abaartii gool la’aan ee ka heysatay koobka Aduunka ka baxay markii uu dhaliyay goolkisii ugu horeeyay ebid uu ka dhaliyo koobka Aduunka.
Si Kastaba Suarez ayaa doonaya in xulkiisa Uruguay uu usoo saaro wareega xiga ee Koobka Aduunka.