Home » Horyaalada » League 1 » Muxuu Hogaamiyaha PSG Zlatan Ibrahimovic Ka Yiri Saxiixa David Luiz?

Muxuu Hogaamiyaha PSG Zlatan Ibrahimovic Ka Yiri Saxiixa David Luiz?


Zlatan Ibrahimovic

Weeraryahanka ugu awooda badan horyaalka France Zlatan Ibrahimovic sidoo kalena ah hogaamiyaha kooxda PSG ayaa ka hadlay sheekadan ku aadan in kooxdiisa ay heshiis rikoor ah kula soo wareegtay daafaca reer Brazil David Luiz.

Zlatan oo inta badan hadal wanaagsan aan looga barinin ayaa ka hadlay imaanshaha Luiz wuxuuna yiri “daafac awood badan ayaa nagu soo biiray sidoo kalena siweyn ayaan ugu hanqal taagaa inaan David Luiz la kulmo balse nasiib daro haatan fasax ayaan ku jiraa sidaa darteed markii aan fasaxeyga soo dhameesto ayaan kulmi doonaa” 32-jirkan oo ah gool dhaliyaha ugu wanaagsan PSG sidoo kalea labadii sano ee ugu dambeesay kooxdan u qaaday horyaalka France ayaa gacmo furan kusoo dhaweeyay David Luiz.

Kooxaha Chelsea iyo PSG ayaa heshiis ka wada gaareen arinka David Luiz ayadoo kooxda reer France ay xaqiiisay inay daafacan awooda badan ku qaadatay lacago gaarayo ilaa £40m sidoo kalena waa heshiiskii ugu saameynta balaaran ee xagaagan qaarada Yurub ka hirgalo waxaana lagu wadaa in xili cayaareedka dambe uu David Luiz ka garab cayaaro saaxiibkiis Thiago Silva oo ay xulka Brazil ka wada tirsan yihiin.

Sidoo kale Zlatan ayaa saxaafada u sheegay in haatan uu kalsooni buuxdo kooxdiisa PSG ku qabo sidoo kalena ay koobka horyaalada Yurub ku guuleesan karaan wuxuuna maamulka kooxdiisa ku booriyay inaysan intaas ku nasanin sidoo kalena xidigo tayo wanaagsan lagu soo biiriyo xagaagan kooxdan ka dhisan caasimada dalka France.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close