Kooxda Blues ee ka dhisan galbeedka Magaalada London aya goolhayaha reer Czech Republic ee Peter Cech u ogolaaneysa inuu isaga tago kooxda kadib markii uu waayeelkaan 10-ka sano kasoo mid ahaa Chelsea uu ka cabsi qabo inuu waayo booskiisa joogtada ah.
Wakiilka 32-jirkaan heerka caalami ayaa xaqiijiyay in Cech uu dalabyo ka helay kooxaha PSG iyo Monaco ee ka dhisan horyaalka faransiiska iyadoo la filayo iney soo afjaranto sanadihii Cech ee Chelsea.
Xaalada Cech ayaa sara u kacday markii Jose Mourinho uu go’aansaday inuu kooxda kusoo celiyo da’yarka reer Belgium Thibaut Courtios kaas oo haatan qabsaday kubada cagta waxaana hubanti ah in Cech uu noqon doono dooqa labaad.
Hadii labada kooxood ee reer France ay si toos ah u dardar galiyaan heshiiska ay ka doonayaan Cech waxaa hubanti ah inuu ku biirayo sida uu ku warmaay wakiilkiisa.
Daily Mail ayaa shaacisay in Jose uu damacsan yahay in Courtios uu ka dhigto dooqiisa koowaad halka Cech uu noqon doono kan labaad inkastoo xidigaan uusan dooneyn inuu kursiga fariisto.
Profile