Xulka Algeria ayaa dhigay xalay wacdaro lama ilooban ah kadib markii ay guul taariikhi ah ka gaareen xulka South Korea, ciyaar kusoo idlaatay 4-2.
Wiilasha Algerian-ka Muslimka ah ayaa bilaabay bandhiga goolasha Islam Slimani kaas oo daqiiqadii 26-aad ee ciyaarta dhaliyay gool uu ka xoogsaday laba difaac oo reer Kuuriya ah.
Laba daqiiqo kadib Kuuriya ayaa loogu shubay goolkii labaad waxaana madax ka dhaliyay Rafik Halliche kubad koorne aheyd oo ka timid dhanka midig.
Algeria ayaa goolkeedii sadexaad heshay kadib markii Abdelmoumene Djabou uu shabaqa soo taabtay waxeyna ka farxiyeen malaayiin reer Algeria ah oo ku sugnaa garoonka ciyaarta.
Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-0 oo ay hogaanka ku heysto Muslimiinta Algeria waxaana qeybtii labaad madaxa lasoo kacay Koonfurta Kuuriya daqiiqadii 50-aad ee ciyaarta Heung-Min Son ayaa shabaqa soo taabtay kaas oo hami galiyay xulka Korea.
Yasine Brahimi ayaa hurdo u diray ciyaarta markii uu daqiiqadii 62-aad ka dhaliyayh goolka afaraad ee jooga ka riday Jamaahiirta Koonfurta Kuuriya.
Ciyaarta oo 18-daqiiqo ka harsan tahayKabtanka xulka Kuuriya Ja-Cheol Koo ayaa dhaliyay goolkii labaad ee Kuuriya iyadoo ciyaartii ay ugu dambeyn kusoo afjarantay 4-2 oo ay guusha ku raacday Algeria.
Xulka Afrika ee Algeria ayaa soo tiigsaday kaalinta 2-aad isagoo leh 3-dhibcood wuxuuna hami ka leeyahay inuu soo gaaro koobka Aduunka wareegiisa 16-ka, inkastoo kulanka ugu dambeeya uu la leeyahay Russia.