Kooxda Liverpool ayaa aamintay inaan laga xigin hanashada Premiership-ka England sidoo kalena macalin Brenden Rodgers ayaa aaminsanaa in xidigahiisa ay ciqaabi doonaan Chelsea oo kulankan kusoo bilaawday xidigo aanan si joogto ah Premiership-ka uu cayaarin balse ugu dambeyntii dhibcaha waxaa la tagay macalin Jose Mourinho oo haatan aaminsan in kooxdiisa Chelsea ay horyaalkan hanan karto madaama ay 2-dhibcood oo qura ka hooseeyaan kooxda Liverpool, hadaba guuldarada Reds ku dhacday waxaa eeda dusha looga tuuray kabtan Steven Gerard oo nasiib xumo qalday kubad aan laga fileyn kadib markii uu sibxaday waxaana u mahad celiyay Demba Ba oo shabaqa ku hubsaday kubada.
Hadaba muuqaalo xiiso badan ayaa laga sameeyay markii uu kabtan Steven sibxaday sidoo kalena asigoo arkaayo kubada uu Demba Ba ku horqaatay, kulankan wuxuu ku idlaaday 2-0. hada hoos kaga bogo sawiradan qosolka badan: