Xidiga reer Brazil Neymar oo haatan kusoo baxay hogaamiyaha kooxda Barcelona sidoo kalena booskii Lionel Messi buuxiyay xili cayaareedkan madaama uu kulan walbo soo bandhigaayay qaab cayaareed aad u wanaagsan ayaa markan is iloobay kadib markii sawiro laga qaaday asigoo sigaar dhuuqaayo sidoo kalena lagu faafiyay barta Interner-ka gaar ahaan goobaha bulshada ay adeegsato sida Twitter-ka iyo Facebook inkastoo xidigan uu yahay cayaaryahan aqlaaq wanaagsan hadana waxay u muuqataa inuu markan u bareeray cabida sigaarka sidoo kalena uu raali ka ahaa marka sawirada laga qaadayay sida muuqaalka laga dheehan karo.
Hadaba falkan Neymar uu ku kacay wuxuu aad uga careysiiyay macalin Gerardo Tata Martino oo aad ugu kalsoonaa weeraryahankan dhalinta yar, inta badan macalimiinta ma jeclo in xidigahooda ay aqlaaq xumo soo bandhigaan madaama aysan rabin in dishibiliinka iyo asluub wanaaga kooxdooda meel looga dhaco sidaa darteed Neymar ayaa muuteesan karo ganaax culus ama in kulamada ugu soo horeeyo ee Barcelona cayaari doonto kursiga kaydka la galiyo balse waxaa macquul ah in laacibkan uu ganaaxa ka bad baado hadii uu la yimaado raali galin uu ku qanco macalin Tata Martino.