Home » Horyaalada » Bundesliga » Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Marco Reus Oo La Shaaciyay

Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Marco Reus Oo La Shaaciyay


Reus

Borrusia Dortmund ayaa shaaca ka qaaday mudada rasmiga ah oo uu garoomada ka maqnaan doono wiilka reer Jarmal ee nasiibka u yeelan waayay inuu xulkiisa u raaco Brazil Marco Reus.

25-jirkaan ayaa dhaawac dhanka canqawga ah uu soo gaaray kulan saaxibtinimo oo ay xulkiisa la ciyaareen Armenia kulan kusoo idlaaday 6-1 oo ay wiilasha Joachi Low ku adkaadeen.

Si Kastaba Dortmund oo uu ka tirsan yahay xidigaan ayaa xaqiijisay inuu garomada ka maqnaan doono mudo sadex bilood ah isla markaana laga yaabo inuu seego kulamada ugu horeeya xili ciyaareedka soo aadan.

Marco Reus ayaa dhaliyay 23-gool, dhamaan kulamadii uu kooxdiisa u matalay tartamada oo dhan wuxuuna kooxdiisa ka caawiyay iney kaalinta labaad ku dhameysato horyaalka Bunesliga.

Markus Braun oo ah dhaqtarka kooxda Dortmund ayaana warkaas u xaqiijiyay kooxdiisa kadib markii uu baaritaano ku sameeyay halista dhaawac ee xidigaan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close