18-jirka weerarka kaga cayaara kooxda Barcelona Munir El Haddadi oo kulankiisii ugu horeeyay La Ligaha soo bandhigay wacdaro lala yaabay kadib markii uu gool qurux badan ka dhaliyay kooxda Elche ayaa sheegay inuu mustaqbalkiisa cayaareed go’aan ka gaaray wuxuuna ula jeedaa mustaqbalkiisa heerka qaran iyo xulka uu matali doono.
El Haddadi isagoo aad u dhalin yar ayuu dalka Spain yimid wuxuuna heestaa dhalasho Spanish ah balse asal ahaan dalka Morocco ayuu kasoo jeedaa sidoo kalena wiilkan wuxuu u cayaaray xulka Spain ee da’dooda ka hooseyso 19-sano balse mar uu ka hadlaayay mustaqbalkiisa cayaareed wuxuu iska diiday inuu Spain u safan doono cayaaraha heerka caalami.
Tababaraha xulka qaranka Badou Ezaki ayaa marar badan El Haddadi ku booqday xarunta tababarka kooxda Barcelona wuxuuna aad ula dhacsan yahay hormarka uu sameynayo xidigan dhalinta yar.
Dhanka kale macalinka xulka Morocco aya kulan la qaatay waalidka xidigan wuxuuna kala hadlay sidii uu xulka Morocco ugu safan lahaa, El Haddadi oo lagu tilmaamo xidig mustaqbalka kooxda Barcelona hilmaansiin doono Lionel Messi ayaan inta badan jecleyn inay saxaafada weydiiso xulka uu mustaqbalka matali doono balse mar si lama filaan ah su’aash loo weydiiyay wuxuu kaga jawaabay
“yaa og xulka aan mustabaqlka u cayaari doono balse meesha kama saari karo inaan maalin un Morocco u safan doono!!”