Jose Mourinho ayaa bilaabay inuu weerar ku qaado Eden Hazarad isagoo ku dhaleeceeyey inuusan aheyn xiddig la cayaaro kooxdiisa Chelsea uusanna jecleyn inuu caawiyo daafacyada Chelsea.
Hazard ayaa dib ugu soo laabtay kooxdiisa Chelsea kadib dhaawac uu garoomada uga maqnaa isagoo saftay kulankii Champions League ee Adletico Madrid ku adkaatay 1-3.
markii uu soo dhamaaday Kulankaas kadib Hazard ayaa U Sheegay French TV ” Chelsea maahan koox leh qaab cayaareed Fiican, waxay ku dhisan tahay Counter Attack”
Hazard ayaa hadalkaas si sarbeeb ah ugu dhaleeceeyey qaab cayaareedka Macalinka Chelsea Jose Mourinho.
Macalin Mourinho ayaa ku adkeystay in hadalka Hazard uu ahaa mid aan laga fiirsan isla markaas uu dagaal toos ah kusoo qaaday.
Dagaalkaan cusub ayaan la ogeyn meesha uu ku dhammaan doono inkastoo caadada Mourinho ay tahay inuu kursiga keydka geliyo xiddig kasta oo wax ka sheego.