Sida ay shaacisay Daily Star tababaraha reer Portugal ee kooxda Blues ayaa damacsan qorshe weyn oo uu Real Madrid kaga doonayo laba xidig oo muhiim ah isagoo intaas ku daray inuu ku wareejin doono xidig ay baahi weyn u qabto Los Blancos.
Jose ayaan wali ka harin doonista Luka Modric iyo Varane kuwaas oo laba xidig oo muhiim u ah wiilasha Ancelotti ah balse Real Madrid ayaa heli doonta Ramires oo ay qudheeda xiiseyneyso.
Tababarahii hore Chelsea Ancelotti ayaa soo bandhigay 27 Malyan Oo pound oo uu ku doonayo Ramires kaas oo afar sano ku sugan Stamford Bridge isagoo saftay 196-kulan dhamaan tartamada oo dhan.
Tababare Jose ayaa doonaya in Varane uu ku buuxiyo booska uu baneeyay David Luiz oo si rasmi ah ugu biiray heshiis rikoor ah kooxda Paris Saint Germain ee dalka faransiiska.
Dhanka kale hogaamiyaha xulka Croatia iyo kooxda Madrid Luka Modric ayuu doonayaa inuu ku xoojiyo khadka dhexe ee kooxda Blues isagoo heysta Fabregas iyo Matic.
Ugu dambeyntii Jose ayaa qorshahaan cusub ula tagaya Real Madrid kuwaas oo qudhooda xiiseynaya Ramires lase arki doonaa wixii ay ka dhahaan maamulka kooxda boqortooyada Spain.