Home » Maxaa Cusub » Mourinho Oo Ciyaartoyda Chelsea Ka Codsaday Inay Jawaab Deg Deg Ah Ka Bixiyaan Guul La’aanta Chelsea

Mourinho Oo Ciyaartoyda Chelsea Ka Codsaday Inay Jawaab Deg Deg Ah Ka Bixiyaan Guul La’aanta Chelsea


FBL-ENG-PR-ASIA-INA-CHELSEA

Sida uu Qoray Wargeyska Daily Mail ee Dalka England tababare Jose Mourinho ayaa Laacbiinta Chelsea isugu yeeray Kulan Xasaasi ah Kadib Markii Chelsea ay guuldarooyin soo wajihayeen haba ugu darnaatee Tii Champions League.

Tababaraha reer Portugal ayaa ka dalbatay ciyaartoydiisa inay jawaab degdeg ah ka bixiyaan dib u dhaca soo wajahay kooxda islamarkaana horumarin isku sameeyaan kulan uu kooxda oo dhan kula yeeshay xarunta tababarka Cobham.

 Daily Ayaa Boggeeda hore ee Website-ka kusoo qortay “Qaar ka mid ah qodobada uu kaga hadlay Mourinho xerada tababarka Cobham waxaa loo fasiran karay kuwa dhiirogelin iyo niyadsami ah, laakiin tiro ciyaartoy ah ayaa ogaaday in booskooda uu halis ku jiro.” Chelsea ayaa guuldarro lama filaan ah ku bilaabatay xilli ciyaareedkan Champions League markii Basel ay ku badisay Stamford Bridge 2-1.

Kooxda Chelsea  ayaana wax guul ah gaarin afartii kulan ee ugu danbeysay ee tartan rasmi ah ee ay ciyaareen, iyagoo barbaro kala kulmay Man United, halka Bayern Munich ay ka qaaday Uefa Super Cup islamarkaana Everton ay ka badisay Premier League.

 Tabni ayaa noqoneyso bilaabashadii ugu xumeyd ee xilli ciyaareedka Premier League iyo Champions League ee Chelsea tan iyo intii uu Abramovich milkiile ka noqday 10 sanno ka ho.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close