Kooxda As Monaco ee dalka faransiiska ayaa heshiis kordhin ku abaalmarisay halyeeyadeeda dhanka daafaca ee Ricardo Carvalho iyo Erick Abidal iyadoo kusii heyneysa horyaalka faransiiska ilaa 2015-ka.
Labadaan halyeey ayaa kaalin libaax leh ka qaatay hormarka kooxda Monaco oo kaalinta labaad ka gashay horyaalka faransiiska xili ciyaareedki dhamaaday.
Eric Abidal ayaa saftay 26-kulan xili ciyaareedkii dhamaaday iyadoo 34-jirkaan reer France uu qeyb weyn ka qaatay hardanka kooxda ay ku jirtay xili ciyaareedkii idlaaday.
Labadaan daafaca ayaa sanadii lasoo dhaafay kusoo wada biiray Monaco iyagoo ka kala yimid Real Madrid iyo Barcelona.
Profile