Home » Horyaalada » League 1 » As Monaco Oo Diyaar U Ah Iney Iska Iibiso Radamel Falcoa & Kooxo Badan Oo Doonaya

As Monaco Oo Diyaar U Ah Iney Iska Iibiso Radamel Falcoa & Kooxo Badan Oo Doonaya


Falcoa

Kooxda reer France AS Monaco ayaa sheegtay inay xagaagan weeraryahankeeda Radamel Falcao iibin doonto inkastoo xidigan uu mudo 12-bilood oo qura uu naadiga Monaco ka tirsan yahay hadana kooxdan ayaa go’aansatay inay xagaagan lacago badan ku iibsato xidigan tayada wanaagsan, wargeska Daily Star ayaa daaha ka rogay in kooxda Monaco ay lasoo xariirtay kooxah ka dhisan Premiership-ka England gaar ahaan Man United, Chelsea iyo Man City waxayna u sheegtay inay Falcao ku wareejin doonto kooxdii la timaado £35m.

Xidigan awooda badan haatan dhaawac ayuu garoomada kaga maqan yahay sababtaas ayaa keentay ayaa qiimahiisa inuu hoos u dhac ku yimaado balse marnaba tayadiisa wanaagsan iyo dhalintiisa joogtada ah shaki lama galin karo.

waxaa naga xasuusin ah in kooxda Monaco ay sanadkii hore Falcao kaga soo iibsatay £50m naadiga Atletico Madrid balse haatan diyaar ay u tahay ku dhawaad lacagahaas kala bar inay lumiso madaama xidigan uu mushaar badan ka qaato.

Sidoo kalena uu haatan dhaawac halis qabo waxay dooneysaa inay xagaagan ismootiso ilaa haatan kooxda Chelsea ayaa sheegtay inay quud dareyneso saxiixa xidigan ka tirsan xulka Colombia balse waa hadii ay Blues ku guul dareesato soo xero galita Diego Costa ayay xidigan u weecan doontaa sidaa darteed Monaco waqti dheer ayay ku qaadan doontaa inay iibiso Falcao xagaagan waxaana macquul ah marka koobka aduunka laga soo laabto inay ku hesho lacagaha ay ku dooneyso.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close