Xiriirka Kubada Cagta Aduunka FIFA ayaa ka hadlay warar ay saakay qoreen warbaahinta kubada cagta qaar kaas oo sheegayay in Fifa ay u ogolaatay Suarez inuu la tababaran karo kooxda Barcelona hadii uu ku biiro mudada ganaaxa.
Madaxa gudiga Anshaxa xiriirka kubada cagta Aduunka Claudio Sulser ayaa shaaca ka qaaday in FIFA aysan Suarez u oglaan doonin inuu ka qeyb qaato waxqabad walba oo kubada cagta mudada uu ganaxan yahay ee Afrta bilood balse wuxuu carabka ku adkeeyay in loo ogolaaday inuu tijaabo caafimaad u maro kaliya kooxda Barcelona hadii labada kooxood ay soo afjaraan heshiiska xidigaan.
“Ciyaariyahanka kama qeyb qaadan karo waxqabad kubadeed balse caafimaad wuu u mari karaa Barcelona” sidaa waxaa yiri Claudio Sulser.
Luis Suarez ayaa ganaax afar bilood ah garka loo galiyay kadib markii uu qaniinay daafaca reer talyaani Chiellini kulankii ugu dambeeyay group D.
Kooxdaha Liverpool iyo Barcelona ayaa dhameystay wadahadalkii u dhaxeeyay e ku aadanaa saxiixa Suarez balse sida ay shaacisay Daily Mail 48-saac ee soo socota ayaa lagu dhawaaqi doonaa saxiixa xidigaan.
Profile