Home » Horyaalada » Bundesliga » Miraslov Klose oo dib ugu soo laabtay xulka Jarmalka sidoo kalena ka qayb qaadan doono

Miraslov Klose oo dib ugu soo laabtay xulka Jarmalka sidoo kalena ka qayb qaadan doono

Klose

Weeraryahanka kooxda SS Lazio Miraslov Klose ayaa dib ugu soo laabtay xulka Jarmalka kadib markii uu seegay kulamadii ugu dambeeyay ee Jarmalka cayaareedn bilawgii bishii October weeraryahankan ayaa ka mid noqday xidigaha uu macalin Joachim Low u magacaabay inay ka hortagaan xulalka Italy iyo England bartamaha bishaan waana kulamo saaxiibtinimo oo uu xulka Jarmalka ugu diyaar garoobi doono koobka aduunka oo sanadka dambe dalka Brazil lagu qaban doono, macalin Low ayaa inta badan ragga ugu caansan ee xulka Jarmalka u cayaaraan balse Bastian Schweinsteiger ayaan liiska lagu darin madaama qaliin looga sameyn doono qoobka.

Dhanka kale goolhayaha naadiga Dortmund Roman Weidenfeller ayaa nasiib u yeeshay in markii ugu horeesay xulka Jarmalka loogu yeero waxaana la filaa in goolhayahan waaya araga ah uu markii ugu horeesay xulkiisa Jarmalka u safan doono, xulka Jarmalka ayaa 15-ka bishan magaalada Milan kula cayaari doonaan xulka Italy halka 4-maalin kadib ay wajihi doonaan dhigooda England waxaana kulankan lagu cayaari doonaa garoonka Wembley. Guud ahaan waa kuwaan 24-ka cayaaryahan ee uu tababare Low labadan kulankan u magacaabay inay ka qayb qaataan:

Goolhaye: Rene Adler (Hamburg), Manuel Neuer (Bayern Munich), Roman Weidenfeller (Borussia Dortmund)

Daafaca: Jerome Boateng (Bayern), Benedikt Howedes (Schalke), Mats Hummels (Dortmund), Marcell Jansen (Hamburg), Philipp Lahm (Bayern), Per Mertesacker (Arsenal), Marcel Schmelzer (Dortmund), Heiko Westermann (Hamburg)

Khadka dhexe: Lars Bender (Leverkusen), Sven Bender (Dortmund), Julian Draxler (Schalke), Mario Gotze (Bayern), Sami Khedira (Real Madrid), Toni Kroos (Bayern), Thomas Muller (Bayern), Mesut Ozil (Arsenal), Marco Reus (Dortmund), Sidney Sam (Leverkusen), Andre Schurrle (Chelsea)

Weerar: Miroslav Klose (Lazio), Max Kruse (Monchengladbach)


Waxaa Aqrisay: (105)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>